Annagoo ah Jaalliyada Beesha Meheriga ee dalka ingiriiska waxaan aad iyo aad uga xunahay dilkii loo gaystay marxuun wariye Libaan Cabdullaahi Faarax (Liiban Qaran) oo lagu dilayMagaaladda Galkacyo ee gobolka mudug, waxaan illaahay uga baryeyna in uu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhammaan qoyskiisii, eheladii iyo guud ahaan beesha meheriga in uu eebe ka siiyo samir iyo iimaan, inaa lilaahi waa inaa ileyhi rajucuun.Wariye Liibaan Qaran oo ahaa wariye aad iyo aad looga yaqaano, aadna khibrad wariyenimo u lahaan, waxaa nasiib daro weyn ah sida bahalnimada leh oo had iyo jeer loo gumaadayo saxufiinta da’yarta soomaaliyeed.
Jaalliyada Meheriga ee dalka ingiriiska ayaa ku tilmaantay dilkii loo gaystay marxuun wariye Liibaan Cabdullahi faarax (Liibaan Qaran) mid laga naxo oo waxashnimo ah, sida aad la socotaan wariye Liibaan Cabdullaahi Faarax (Liibaan Qaran) ayaa maalintii Sabtiga ahayd ka soo tabinaayay TVga Kalson Magaaladda Galkacyo, halkaan uu booqasho ku yimid Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam- Axmed Madoobe.Wariye Liibaan Qaran ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaala xaafatu carab Galkacyo oo ku taala khadka cagaaran ee Galkacyo aadna ugu dhaw xaafada baraxleey oo uu ka taliyo maamulka galmudug.
Haddaba beelweynta meheri waxay ka codsanaysaa labada maamul waa maamulka puntland iyo maamulka galmudug in ay baritaan deg deg lagu sameeyo dilkaas foosha xun cidii ka dambeysay cadaaladdana la horkeeno. Waxaanu rajeeynaa in maamulada aanu soo sheegnay ay wax weyn ka qaban doonaan arrintaas.
Dahir Hashi Warsame (Dahir MBC)
Beesha Meheriga London UK
Ibni_xaashi@hotmail.co.uk