Jubba: (PP)- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Koofur Afrika ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Koofur Sudan ee Salva Kir.
Abaarihii 9kii subaxnimo waqtiga Muqdisho ayaa diyaaraddii siday Madaxweynaha ka duushay Muqdihso. 25 daqiiqo markii ay hawada ku jirtey ayaa Kabtanka Diyaaradda ku wargeliyey wafdiga inay jirto cilad hal matoor oo ay damiyeen matoorkaas, isla markaana ay go’aamiyeen inay diyaaradda ku soo laabato Muqdisho. Abaarihii 10kii subaxnimo ayey diyaaradii si nabad ah u soo degtey.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxey hadda ku sii jeedaan dalka Koofur Suudan si ay safarkooda u sii wataan.
Madaxweynaha ayaa maanta kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha South Sudan Salva Kir oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Sudan loo taageeri lahaa, iyo sidii dalka Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xaflada.
Puntlandpost.com