Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo casho sharaf la qaatay Madaxweynaha Koofurta Suudaan iyo Madax Kale (Sawiro)

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa
caawa casho sharaf uu sameeyey Madaxweeynaha dalka Koofurta Suudaan ka qeybgalay. Xafladdan casho sharafta ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee dalka Koofurta Suudaan, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Bostwana, Madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Koofurta Suudaan. Sidoo kale casho sharaftan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee South Africa Mbeki iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ethiopia.

IMG_5180Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey casho sharaftan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

IMG_5188Madaxweynaha Koofurta Suudaan Mr Salva Kir oo hadalo kooban ka jeediyey xafladda cashada ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qeybgashay casho sharafta, iyo dabaaldegga maalinta xornimada dalka Koofurta Suudaan oo maalinta 09ka July 2013ka labo jirsatey.

IMG_5191Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.

IMG_5210Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xaflada.

IMG_5218

Isha Waran: Xafiiska Madaxweynaha DF

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>