Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dr Faroole oo la kulmey xubno ka tirsan siyaasiinta mucaaradsan nidaamka Asxaabta Puntland,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan maanta dhex marey Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Ergo isugu jirta Maamulka,Wasiirada, Odoyaasha Dhaqanka , Siyaasiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobolka Mudug ayaa ka dhacay magaalada Garowe.

10Ujeedada kulanka oo ahayd is xog wareysi iyo doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee la filayo inay Puntland ka qabsoomaan 15 July ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii kasoo jeedey Gobolka Mudug ee goob jooga u ahaa Islaan Bashiir Islaan Cabdule, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ah siyaasiinta nidaamka mucaaradsanaa, Caaqil C/wahaab Maxamud Gurey, Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Xubno wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka,iyo Wasiirka Qorsheynta Dr Sayid.

Kulanka oo aan saxaafada looga warbixin ayaa hadana wararka Puntlandpost ka helayso xubnihii ka qeyb galay ay u sheegeen in uu Madaxweynuhu ka hor jeediyey xubnaha madasha kulanka kala soo qeyb galay dar dar galinta doorashooyinka iyo dhowrida xasiloonida Gobolka, iyadoona khudbada Madaxweyne faroole uu ku sheegey inay dowladu kasoo bixi doonto balan-qaadkii horey ay ugu shaacisey gaarsiinta Puntland hanaan dimuqraadi ah.

Ma jirin wax diidmo ah ama khilaaf ah oo ka timid xubnihii ergayda gobolka Mudug ee kulanka joogtey, iyadoona si gaar ah kulan saacado qaatey uu u wada yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle .

7Wajiyada xubnaha kulanka joogey ayaa sida laga arki karo waxa ka muuqata farxad iyo soo dhaweyn ay koox-ba kooxda kale u muujineyso xilli la hadal hayey maalmihii lasoo dhaafey guux siyaasadeed oo ka dhan ah doorashooyinka goloyaasha deegaanka oo laga soo sheegayey gobolada qeybtood.

Shirka dhex marey Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha matalayey ergeyda Gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay Issimada waaweyn ee Puntland ay sheegeen inaysan ka qeyb galin wax la xiriira kulan siyaasadeed oo ay ku yeesheen magaalada Qardho, ka dib markii xubno kasoo horjeeda nidaamka asxaabta badan ee Puntland ay warbaahinta ka sheegeen in issimada Puntland ka shireen marxalada kala guurka ee Puntland balse taasi ay beeniyeen xubno faro badan oo ka mid ah hogaanka dhaqanka oo ku tilmaamey inay ahayd mid lagaga been abuurtey.

Deegaanada Puntland ayaa maalmaha soo Aadan waxa ka bilaabmaya tartanka musharaxiinta goloyaasha deegaanka ee Ururada Siyaasada ka socda iyadoona ahmiyad weyn doorashooyinka ugu soo horeeya ay ugu fadhiyaan nidaamka asxaabta ee la filayo inay Puntland uga gudubto nidaamkii horey ay ugu soo dhaqmeysay.

Daawo Sawirada xubnaha ergeyda ee la kulmay Dr Faroole.

3 4 5 2 8 6 1 9Puntlandpost.com

Garowe.

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>