Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaalkacyo: Sanaadiikh-da Codadka Doorashada Golaha Deegaanka oo Gaalkacyo lagu gubey,Sawiro.

$
0
0

Gaalkacyo: (pp)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in lagu gubay ilaa 9 sanduuq oo ka mid ah sanaadiikh-da loo wadey magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn ka dib markii sida la sheegey maleeshiyo hubeysan ay jidka u galeen.

1Wararka soo baxaya ayaa sheegaya sanduuq-yada la gubey inay ahaayeen kuwo saaka laga qaadey Degmada Xarfo Gobolka Mudug, Iyadoona ciidamo ka tirsan kuwa amaanku ay wali gacanta ku hayaan gudaha magaalada Gaalkacyo Sanaadiikh-da ay ku jiraan kuwa lagu dhiibanayo codadka ee loo wadey magaalada Gaalkacyo , kuwaas oo magaalada gudaha u galey subaxnimadii hore ee saaka.

2Dhacdan lagu gubayo sanduuq-yada ayaa kusoo aadaysa xili maanta uu iska hor,imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar oo sidan oo kale maleeshiyo ka amar qaadanaya siyaasiin kasoo horjeeda nidaamka Asxaabta Puntland ay isku hortaageen sanaadiikh-da doorashooyinka Goloyaasha deegaanka Qardho.

Ma jirto ilaa hadda war kasoo baxay Dowlada Puntland oo ku saabsan dhacdooyinka maanta kasoo cusboonaadey Magaalooyin ka tirsan Puntland, Walow wararka hadda na soo gaaraya ay sheegayaan in suxufiyiin ka howl gala Magaalada Garowe looga yeerey goor dhaweyd Madaxtooyada oo lagu wado inuu saxaafada shir jaraa,iid ugu qabto Madaxweynaha Puntland.

3 4Puntlandpost.com
Gaalkacyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>