Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

QARDHO: Rabshado saaka Qardho ka dhacay

$
0
0

QARDHO(PP): Waxaa saaka magaalada Qardho is rasaasayn ku dhexmartay ciidamada amaanka Puntland  iyo koox ka soo horjeeda habka nidaamka asxaabta badan, wararka ayaa shaagaya in   rasaas lagu furay ciidamo ilaalo ka ahaa sanaadiiqda doorashooyinka oo ku socday maqaalada qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhintay iska horimaadkaas, waxaana jira dhaawac aan badnayn oo lagu daweynayo goobaha caafimaadka.

Magaalada Qardho ayaa hoy u ahayd mucaarad ka soo horjeeda in Puntland ay ka gudubto nidaamka asxaabta badan, inkastoo madaxdii mucaaradku ay noqdeen kuwo wadanka isaga baxa iyo kuwo dowlada la heshiiyey, hadana weli lama garan karo cida gacan kahadalkaan hormuud ka ah.

Faahfaahinta iska horimaadkaan kala soco wararkayaga dambe.
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles