Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Meydad la keeney Isbitaalka iyo Gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo la qabtey.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Meydka Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Jaamac Cilmi (Cabdi dhagaf ) oo ahaa Taliyaha Ciidanka Guutada 1aad ee Kumaandoosta Puntland ayaa la keeney magaalada Garowe ka dib markii uu ku dhintey taliyuhu rasaas lagu furey saldhiga Qardho hortiisa.

Geerida Taliye Cabdi dhagaf ayaa si weyn looga dareemey guud ahaan Puntland, iyadoona dhacdadii taliyuhu uu ku dhintey ay geysteen kooxo hubeysan oo dadka badankiis ay u aaneynayaan inay ka danbeysay shirqool uga yimid rag ka tirsan siyaasiinta mucaaradsanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland.

Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Dhagaf ayaa ka mid ahaa saraakiisha sanadihii u danbeeyey tababarada ay soo siiyeen Midowga Yurub, kuna soo dhameystey tababarkiisa Dalka Ugandha ,Iyadoona uu ahaa Marxuum Cabdi Dhagaf nin si weyn looga yaqaaney deegaanada Puntland.

Kooxaha diidadanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa aruursiga maleeshiyo beeleedyo ay kula dagaalami karaan gudaha Puntland ciidamada amaanka ee Puntland, kuwaas oo sida ay ku eedeeyeen saraakiisha Puntland, inay mucaaradka ku jira siyaasiinta diidanaa nidaamka asxaabta xiriiro dhow ay la sameynayeen cadowga dibada.

Marka loo eego sida ay wax u dhaceen maanta waxay ahayd mid dadka reer Puntland aan farxad galin , iyadoona abaabulka dhacdadii Qardho la hadal hayo inay ku lug leeyihiin rag uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cade Muuse.
Waxaana wararka Puntlandpost.com Qardho kasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamadii uu xukumey taliye cabdi dhagaf ay ku qabteen saldhiga qardho agagaarkiisa gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo xilli gaariga ay saarnaayeen maleeshiyo hubeysan oo ciidanka rasaaseynayey.

Isku soo wada duubo waxaa ku dhintey dhacdadii Qardho ee maanta 4 ka tirsan ciidamada Puntland oo uu ku jiro Taliye Marxuum Cabdi Dhagaf,halka 3 qof oo shacab ahna ay ku dhinteen dhacdadaasi dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>