Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

QM oo soo dhawaysay go’aankii dowladda Puntland ku joojisay doorashooyinka

$
0
0

Garoowe(PP)-Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliya Nicholas Kay, ayaa ka hadlay maanta go’aankii Dowladda Puntland ay ku joojisay doorashooyinka golayaasha deegaanka oo berito lagu waday inay qabsoomaan

”Waa go’aan ay ku dheehantahay geesinimo iyo caddaladba” ayaa lagu yiri war saxaafaded ka soo baxay xafiiskiisa.

Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu yiri “waxaan tacsi u diraya dadkii ku waayey eheladoodi ay jeclaayeen. Waxaan la xiriiray dhamaan dhinacyada ay Arrinta Khuseyso waxaana ku guubaabiyey in ay muujiyaan deganaasho”.

Ergaygga Gaarka, Nicholas Kay, wuxuu cambaareeyay iskahor- imaadka,wuxuuna ku guubaabiyey dhamaan Qeybaha Siyaasadeed ee ka jira Puntland in in ay ka faa’ideystan fursadan islana wada shaqeeyaan si ay ku xaqiijiyaan helitaanka nidaam ay ku dheehantahay Demoqoraasiyad, Nabad iyo kalsooni.

Magaalada Qardho oo maanta rabshado ka dhaceen ayaa degan,waxaana go’aanka xukuumadda dadka badankiis u arkeen mid ay wanaagsan oo ay ku dheehan tahay kalsooni iyo in laga hortego talaabo kasta oo dhaawaci karo nabadgelyda Puntland.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles