Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qardho: Shaqaaqadii Qardho shalay ka dhacdey sidee ayay ku bilaamatey? ( Akhriso Xog).

$
0
0

Qardho: (pp)- Dhacdadii shalay ka dhacdey magaalada Qardho oo ilaa hada dadka reer Puntland ay isweydiinayaan sida ay ku bilaamatey ayaa warbaahintu ay ka qortey warar kala duwan oo ay dadka qaarkiis ku tilmaameen inay yihiin kuwo been abuur ah islamarkaana uusan jirin dagaal culus oo qardho ku dhex marey ciidamada Puntland iyo Dad shacab oo diidan nidaamka Asxaabta ee Puntland.

Iyada oo taasi jirto ayaa hadana dhanka kale dadku ay si weyn isu weydiinayaan qaabka shaqaaqadu ay ku bilaamatey iyo cida ka danbeysay ee soo abaabushey dilka lagu fuliyey askar ka tirsan ilaalada sarkaal sare oo ciidamada Puntland ka tirsan oo ku dhintey dhacdadaas.

Ma jirto ilaa hadda cid si rasmiya u sheegatey inay masuul ka ahayd bilowgii shaqaaqada oo ka tirsan kooxaha mucaradka ee mudooyinkii u danbeeyey diidanaa nidaamka asxaabta, walow wararka soo baxaya ay sheegayaan in shaqaaqadu ay ka bilaabatey saldhiga Qardho.

Waxaana sida ay dad goob joogayaal ah ay u sheegeen Puntlandpost ay shaqaaqadaasi ka danbeysay ka dib markii Saldhiga magaalada Qardho ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyo uu hogaaminayo Gen Cade Muuse xilli saldhiga uu ku jirey mid ka mid ah gawaarida sidey sanaadiikh-da .

Ka hor intii aanan shaqaaqadu bilaabman ayaa sida noo xaqiijiyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa saldhiga ku sugnaa xilligaas ay sheegeen inay banaanka saldhiga ku wada hadleen Cade Muuse iyo rag la socdey oo u badan maleeshiyo hubeysan iyo Marxuum Cabdi Jaamac Cilmi oo ahaa sarkaalka ku dhintey gacanta ilaalada Gen Cade Muuse.

Wada hadalka banaanka saldhiga ku dhex marey Gen Cade iyo Marxuum Cabdi dhagaf ayaa la isku afgaran, waxaana uu qaadacay Taliyihii ku dhintey shaqaaqadaas amar uu Gen Cade uu ku dalbanayey in saldhiga looga soo saaro gaariga wadey sanduuq-yada codadka.

Maleeshiyo ku hubeysan labo baabuur oo takniko ah oo uu saldhiga la yimid Gen Cade ayaa rasaas faro badan ku toogtey Marxuukka dhintey  Isla durbadii lagu soo kala dareerey goobta wada hadalka uu ka dhacay.

Marxuumka dhintey ee ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Dowlada Puntland ayaa sida la sheegey ka hor intii uusan saldhiga banaankiisa kula hadlin Cade wuxuu ku amrey ilaalo toboneeyo gaareysa oo la socotey inaysan gudaha saldhiga kasoo bixin inta uu la hadlayo Gen Cade, taasi oo loo badinayo inuu ula jeedey Marxuumku kalsooni uu ku qabey wax dhibaato oo uusan kala kulmi doonin Shaqsi Masuul ah oo Madaxweyne kasoo noqdey Puntland, balse nasiib daro ilaaladii Cade Muuse ay ku fuliyeen dil toogasho ah oo uusan ka fileyn marxuumku.

Falka lagu diley Col Cabdi Dhagaf oo u muuqanayey inuu ahaa mid khiyaano ah oo ay ku sameeyeen kooxdii la socotey Gen Cade ayaa ilaaladiisu markii ay maqashey rasaasta banaanka ka dhacaysa ay durba kasoo baxeen gudaha saldhiga dabadeedna uu sidaas ku bilowday iska hor,imaad kooban oo saldhiga agagaarkiisa ku dhex marey ilaaladii Marxuum Cabdi Dhagaf iyo Kuwa Cade Muuse.

Gen Cade ayaa intii uu socdey iska hor,imaadku waxa uu si dirqiya ugu baxsadey gaari nooca loo yaqaan Jeeser , isagoona saldhiga hortiisa kaga cararey gaarigiisii oo ahaa  sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa goob joogayaasha nooca xabadu aanan karin ee loo yaqaano Pulet Proof, ayna gacanta ku dhigeen ilaaladii Marxuum Cabdi Dhagaf.

Col Cabdi Dhagaf oo ahaa taliyaha guutada koowaad ee ciidanka kumaandoosta Puntland ayaa saldhiga ciidanka uu xukumey uu todobaadyadii lasoo dhaafey ku lahaa xero ciidan oo ku taala magaalada Qardho waxaana la sheegey inaysan ciidamada uu xukumey aysan ku sugneyn saldhiga marka laga reebo ilaalo uu watey oo uu saldhiga gudihiisa galiyey xilli wada hadal kooban banaanka saldhiga uu ku dhex marey Gen Cade oo ay la socdeen marka laga tago maleeshiyada hubeysan xubno uu ka mid yahay sargaal lagu magacaabo Col Caagadeyste.

Sida macquulka ah ee ay dad badan isweydiinayaan waxay Puntlandpost dhawaan idin soo gudbin sawirada gaariga saldhiga hortiisa ay kaga qabsadeen Gen Cade Muuse Ilaalada taliyihii la diley oo la sheegey inay u gacan galiyeen ciidamada kumaandoosta ee uu xukumey col Cabdi dhagaf .

 

Dadka wali hadal haya dhacdadan ayaa intooda badan u sababeynaya inay ahayd mid aan loo baahneyn inay ka fusho magaalada Qardho islamarkaana waxay dhaliileen habka ay ku dhacdey oo ay dad badan ku sheegeen inuu mudan yahay in la cambaareeyo.

Dhaliisha loo jeedinayo Dowlada Puntland iyo Mucaaradka mudooyinkii u danbeeyey kasoo horjeeday nidaamka ay wadey xukuumada uu hogaaminayo Dr Faroole ayaa qeybo badan oo bulshada ka mid ah ay ku sheegeen inay ku haboon tahay qaadashada go,aan xal u ah nabada iyo xasiloonida deegaanka.

 

Puntlandpost.com
Qardho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>