Madaxweynihii Hore ee Puntland Cade Muuse Xirsi ayaa sanadkii 2002 usoo qalab qaatay inuu Puntland ka abuuro qalalaase siyaasadeed isagoo ku noolaa Dalka Canada hase ahaate ay caadifad qabiil hoose qaaday markii la muquuniyey Jaamac Cali Jaamac oo xurguf u dhaxaysay C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna markaas Madaxweyne ka ahaa degaanada Puntland.
Cade Muuse Colaadii u hogaamiyey waxaa ku naf waayey boqolaal wiilal reer Puntland ah oo uu qoryo usoo dhiibay iyo kuwii kasoo horjeeday waxayna aakhirkii dhalisay in gaabi ahaanba laga saaro degaanada Puntland isagoo noqday shaqsigii ugu horeeyey ee reer Puntland ah oo hoos galay Mid kamid ah cadawgii dagaalku ka dhexeeyey Puntland kuna hawlanaa Burburinta Puntland, si uu garab iyo gaashaan uga dhigto.
Markii la xaliyey dhibaatadii u dhaxaysay General Cade Muuse iyo C/llaahi Yuusuf waxaa si aan ka fiirsi lahayn looga dhigay Madaxweynaha Puntland taasina waxay sababtay inuu beec geeyo qaar kamid ah Gobalada Puntland isagoo Maamulkii uu u fakatay markii laga itaal roonaday u gacan geliyey Magaalada Laascaanood si uu ugu abaal gudo Halka intii hartay iyadoo aan naf weyni ku jirin ladabar qabtay.
Cade Muuse ayaa mar labaad isku dayaaya inuu Puntland ka abuuro qalalaase iyo isku dhac dhex mara umadda isir wadaaga ah ee Puntland isagoo si cad saakay usoo abaabulay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar markii uu Gurigiisa uu ugu yeeray allaha u naxariistee Taliyihii geeriyooday Cabdi Dhagaf oo ahaa taliyaha ciidamada Kumaandooska Puntland, waxayna taasi sababtay in Guriga Cade agagaarkiisa Lagu toogto General Cabdi Dhagaf iyo Labo wiil oo istaaf u ahaa waxayna taasi cadaynaysaa inuu Cade Muuse ka dambeeyey Dilka loo geystay General Cabdi Dhagaf iyo labadii wiil ee istaafka ahaa wuxuuse ka fakerin inay taasi noqon karto mid isaga kusoo laabata maadama dadka Soomaliyeed ay yihiin qabaail, Tan kasiisa daran Cade Muuse waa 80-jir xiliga lagu jiraana waa bil Ramadaan waana ayaan daro inuu xil noocaas ah dhiig sokeeyo abaabulo.
C/raxmaan Faroole ayaa mar kale badbaadiyey Jiritaankii Puntland, waxayna ahayd Sanadkii 2006 markii Magaalada Garoowe uu Cade Muuse ku dilay wiilal istaaf u ahaa Dr C/raxmaan Faroole oo qudhiisu markaas wasiir ka ahaa Dawlada Puntland hase ahaate uusan Dr C/raxmaan Faroole kaga jawaabin ficil lamid ah kan Cade Muuse oo markaas haduu ka jawaabi lahaa khatar gelin lahayd jiritaanka Puntland maadama ay aad diciif u ahayd xiligaas xukuumada Puntland ee uu Cade Muuse Madaxda ka ahaa, Maantana wuxuu qaatay Madaxweyne C/raxmaan Faroole go’aan aad u qiimo badan kaas oo ahaa Go’aan Masuul uuna C/raxmaan Faroole ku badbaadiyey umada uu Madaxweynaha u yahay.
Cade Muuse oo lagu tilmaamo shaqsi aad u tayo daran ayey warar hoose sheegayaan in looga gacan haatiyey meelo ka baxsan Puntland , ayna maalmihii u dambeeyey kusoo hobanaysay dhaqaale aan la qiyaasin si uu Puntland qalalaase uga rido, waxaana ku hawlan inay Puntland qalalaase ka abuuraan shaqsiyaad iyo Maamulo is bahaystay oo u arka Puntland inay Khatar ku tahay jiritaankeeda.
Jaamac Cismaan Maxamed
Ohio,Columbus