Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: Ninka Oranaya Madaxda ha iscasilan ma ahan Puntlander,haduu yahay-na meelo shisheye ayaa laga soo diraya”Eng Caydiid.

$
0
0

Garowe: (pp)- Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland oo ka jawaabayay hadalo labadii maalmood ee lasoo dhaafey warbaahinta ay ka yiraahdeen shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka diidanaa in Puntland laga hirgaliyo nidaam ku dhisan asxaabta iyo xubno ka tirsan ururka UDAD ayaa ku tilmaamey Eedeymo xukuumada Puntland ugu soo jeediyeen inay masuul ka ahayd shaqaaqadii Qardho ka dhacdey 14 July 2013 inay tahay mid aan waxba ka jirin ,isagoona dabo dhigey hadii xubnaha sidaas leh ay hayaan cadeymo ay la yimaadaan hadii kalena ay tahay iska hadal aan macno ku fadhiyin.

Maxamuud Caydiid ayaa la su’aalay siday u arkaan is-casilaada loogu baaqay madaxda dowlada Puntland isagoo arintaasi ka jawaabayo waxa uu yiri” waxan filayaa nin reer Puntland ah ma ahayn ninka aad waraysateen,haduu nin reer Puntland ahaan lahaa caqliyada Puntland iyo nidaamka siyaasiga ah meesha uu maraya ayuu la jaanqaadi lahaa,haduu yahayna waa nin cadow ah oo cadow shisheeye soo dirsaday”.

Sidoo kale wasiirka warfaafintu waxa uu go’aanka lagu jojiyay doorashooyinka dowlada hoose oo maalintii shalay qorshuhu ahaa in la qabto ku tilmaamay inuu yahay mid saxan oo wadatashi buuxa kasoo baxay.

Tan iyo markii dowlada Puntland ay ku dhawaaqday joojinta doorashooyinka dowladaha hoose ayaa waxaa soo baxayay aragtiyo kala duwan oo salka ku haysa hirgalinta axsaabta siyaasada,balse inta badan dadku waxay go’aankii madaxwayne Faroole ku tilmaameen inuu ahaa arinta kaliya ee lagu qaboojin karo guuxa kasoo yeeraya shacabka magaalooyinka Qardho iyo Gaalkayco.

Egn Maxamud Ceydiid Wasiirka Warfaafinta P/L

Egn Maxamud Ceydiid Wasiirka Warfaafinta P/L

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa waxa uu kusoo aadaya xili Madaxweynaha Dowlada Puntland uu joojiyey doorashooyinkii golaha deegaanka ee Puntland laga qaban lahaa 15 July , iyadoona uu jawaab hadalka Mr Ceydiid u noqonayo ka dib markii eedeymo Madaxda Puntland ugu soo jeediyeen xubno uu ka mid yahay Cabdulahi Sicid Samatar inay iscasilaan kasoo yeereen maalintii shalay.

Isku soo wada duuboo xaalada nabad galyo ee magaalada Qardho iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa deganaanshiyo buuxda laga dareemayay sacaadihii lasoo dhaafey, waxaana sida ka muuqata magaalooyinka Puntland dadka reer Puntland mid yar iyo mid weyn-ba u xusul duuban yihin inaan kooxaha fowdada wada u suurto galin khalkhal galin ay ku sameeyaan amaanka guud.

Kooxaha Mucaaradka oo looga shaki qabey mudooyinkii u danbeeyey in daaha gadaashiisa ay ka maamulayaan siyaasiin aan u dhalan Puntland ayaa waxa dad badan ay u jeedinayaan baaqyo isugu jira digniino iyo hanjabaadyo ay kaga dalbanayaan in hadii ay kusii socdaan falalka ay ku kacayeen todobaadkii lasoo dhaafey meel ay uga soo wada jeedsanayaan shacabka iyo dowlada Puntland oo kaashanaya ciidamada amaanka iyo kuwa difaaca.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>