Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismayo: Madaxda Jubaland oo fariin u direy shacabka Qardho iyo kan reer Puntland.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Ahna sii haya xilka Madaxweynaha Jubaland Cabdulaahi Shiikh Ismaaciim (Fartaag) oo la hadlay warbaahinta ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqey inay ka danbeeyaan Madaxdooda, islamarkaana aysan ka hor imaan nidaamka Asxaabta badan ee ay waday Dowlada Puntland inay ka hirgaliso deegaanada Puntland.

Gen Fartaag waxa uu sheegey in uu yahay mid kaliya ee maamulka Jubaland uu damacsan yahay inuu ku daydo nidaamka asxaabta ee Puntland laga hirgalinayo, sidaas darteedna aan loo baahneyn in lagu sameeyo is hortaag, iyada oo lagu dhameynayo wax walba isfahan iyo is garad hoose.

Gen Fartaag Madaxweyne ku xigenka Jubaland

Gen Fartaag Madaxweyne ku xigenka Jubaland

“Dadka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa inaysan Dowladooda iska xumeyn, Mucaarad wax burburinaya ma dooneyno, hadii ay wax tabanayaan ha la hadlaan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa, Balse shacabka reer Puntland waxan si niyad ah u oranayaa yaan la taageerin mucaarad qori qaadanaya maxaa yeelay dan uma hayo mucaaradkaas Puntland, Annaga Jubaland ahna nama ay farxad galinayan mucaaradka noocaas ah ” ayuu si kulul u yiri Gen Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si gaar ah hadalkiisa uu baaq ugu soo jeediyey shacabka reer Qardho uu farey inay aqoonsadaan danta Dowladnimada iyo Faa,iidada ummada walaalaha ay u leedahay islamarkaana ay ka waan toobaan mucaaradnimada aan ku fadhiyin qorshe dan u ah bulshada Jubaland iyo Puntland.

Hadalka Dowlada Jubaland ayaa kusoo beegmaya xilli dalka gudihiisa iyo dibadiisa ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamku si isku mid ah usoo dhaweeyeen go,aankii Madaxweynaha Dowlada Puntland uu ku joojiyey doorashadii golaha deegaanka oo xilliyadii u danbeeyey u muuqaneysay mid ay doonayaan inay kaga faa,iideystaan kooxo amni daro ka shaqeynayey inay kaga abuuraan deegaanada Puntland.

Puntlandpost.com
Kismaayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>