Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo: oo lagu qabtey hub ay Jabuuti siisay Dowlada Federalka Somalia.

$
0
0

Kismayo: (pp)- Wararka aan ka heleyno Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigey hub si qarsoodiya ay magaalada kusoo galiyaan kooxaha mucaaradsan maamulka Jubaland ee taageerada ka helaya Dowlada Federalka Somalia.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka Jubaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa u sheegey warbaahinta caalamiga ee Puntlandpost inay gacanta ku dhigeen qoryo uu sheegay inay Dowladda Jabuuti ugu deeqday Dowladda Federalka Somaliya.

Sargaalkan oo diidey in magaciisa aanu xigano ayaa faahfaahin dheeriya Puntlandpost ka siiyey hawlgalo ay Sabtidii la soo dhaafay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ciidamada amaanku oo ay kusoo qab qabteen hub isugu jira, Qoryo, Walxaha qarxa iyo Afar nin.

Tirada qoryaha ay soo qabteen ayuu ku sheegey inay gaareyso  87 qori oo AK47 ah, oo qeyb ka ah hubkii ay Dowladda Jabuuti ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, muddo haataan laga jooggo bilo.

“Waxaan ku qabanay Magaalada Kismaayo hub, ay dhowaan bixisay Dowladda Jabuuti, waa hubkii ay siisay Dowladda markii Raa’isal Wasaaruhu uu safarka ku tagey Wadanka Jabuuti, 87 qori oo AK47 ayaan hadda heynaa.” ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan Saraakiisha Jubaland.

goobtii hubka ay kasoo saareen ciidamada Jubaland ayuu sheegey inay ahayd guri ku dhow warshada hilibka oo ku yaala magaalada Kismaayo, islamarkaana laga soo qabtey isla guriga hubka lagu qarinayey labo nin oo looga shakisan yahay inay hubka si qarsoodiya usoo galiyeen magaalada.

Sarkaalku waxa uu sheegay intii howl-galku uu socdey ay ciidanku  gacanta ku soo dhigeen sidoo kale laba nin oo uu ku tilmaamey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegey in lagu qabtey iyaga oo sida Qaraxyo islamarkaana ay qirteen inay ka tirsan Alshabab sida uu yiri ” Sarkaalka aanu la hadalney ee ka tirsan ciidamada Jubaland.

Gabo gabadii Sarkaalka Puntlandpost uga warbixiyey howl-galka Kismaayo ciidamada Jubaland ka sameeyeen waxa uu sheegey in dhawaan maamulka Jubaland qorsheynayo maxkamad la horkeeno hubka iyo 4 ruux ee lagu soo qabtey howl-galkii Kismaayo laga sameeyey saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxa si buuxda uga taliya Ciidamada amaanka ee Jubaland, ka dib markii laga saarey kooxihii maleeshiyada ahaa ee gudaha kismaayo kula dagaalamay ciidamada Jubaland, kuwaas oo la rumeysnaa inay taageero ka helayeen Madaxda Dowlada Federalka iyo Ururka Alshabab oo markii danbe deegaano uu ka taliyo Ururkaas uu gabaad ka dhigtey Col Bare Hiiraale Sida uu marar badan warbaahinta uu isagu-ba ka sheegey.

Puntlandpost.com

Kismaayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>