Somalidu been bee sheegtaa, beense ma maahmahdo,hal ku dhigeeduna uu qof kasta iska garan karo, doqona warkiis daa.
Oraahdan oo macno wayn ugu fadhida Soomalida oo aan maqli jiray tan iyo yarantii “beesha bari boqor diid”hadaan dib u eegno wali waxa Mugdisho ka dhacaya iyo Juba land waa arrin laga magangalo ilaahay na abuurtay ee aqliga na siiyay aan kaga duwanahay Xayawaanka maanta nool.
Waxa ka dhacay Qardho waa arin ku cusub gayiga reer Puntland intii mudo lixsano ku dhawaad oon arag deegan isku soo aruursaday diidmada codka la bixiyo , iyadoona la og yahay in uu qof waliba cida uu doono codkiisa ku dooran karo , haddana dadkuu fowdada Qardho sameeyey ee odoyaal lahaa , dhalinyaro iyo qeybo kale ummadii kale ee reer Puntland ka subxaanaleysteen , markii la garan waayey ujeedada ay damacsan yihiin.
Maxaa ka dhigay fartaagan? Maxayse u diidan yihiin? Waa su aal u bahan in la is waydiiyo.
Dadka qaar waxay ku fasireen shirarka iyo hadalada wali hanjabaada ah ee kazoo baxaya xubno jooga magaalada Qardho inay tahay mid ay malahooda isku tusiyeen inay ka awood badiyeen dowladii xooga badneyd ee Puntland, Allow ha cadaabin nin aan waxba ogeyn,) sow xaqiiq ma ahan in dowladu ay waajib ku tahay khasaare kasta oo shacabkeeda kazoo gaara inay dulqaad iyo dabacsanaan u muujiso, si ay awooda cadowga Puntland ugu talo gashey ay uga dhowrto inay shacabkeeda u isticmaasho, malahayga midaas dadka Qardho wali ka yab-qaya ma ay oga.
Ciidamada Puntland waa kuwo leh xilligan la joogo cudud muuqata oo ah mida ugu awooda badan geyigan Somaliyed, taas oo aysan ku fiirsan doonin shaqsi ama koox mar kale isku dayda inay amaanka khalkhal galiyaan, waa loo yaabaa cida iyaga hadii firig firig-ta ay ka waantoobi waayaan sida aan qabo anigu koley.
Casrigii qarnigii kow iyo labatanaad iyo dhamaadkiisa waayeelkii dhamaa wax garadkiina waa daba joogan.
hadaan loo dhag a waxgarad reer Puntland ee diyarka u ah in maanta laga gudbo qabiilka loona talaabsado Asxaabta ku dhisan dorashada xorta ah reer Puntland waxaad la mid noqoneysaan ninkii seexdey ee siciisa uu dibiga uu dhalay, halkuu ka sugayey weyl usii taranta.
Sida ka muuqata Puntland gudaheeda dad bay wali ku qafilan tahay in qabiil lagu doorto, hadii aysana talin aan loo talin doonin, taasi waa mid ku dhisan Riyo iyo Hawaawir cidlo ah oo la mid noqonaya “Habeen tagey sooma laabto.
Waxaa mahad leh ilahaygii garow siiyay Madaxda Puntland iyo Isimada sharafta leh ee soo jireenka sida ay u geeren dhismaha Puntland iyo Dowlada hadda talineysa ee uu hogaaminayo Madaxwayne DR Cabdirahman Shiikh Maxamed (Faroole).
Waxa fool xumo noqotay lagana wada naxay dad u dhashay deegaanka in laga soo abaabulay “qaswadayaal” Hargeyso iyo Muqdisho looga i taal roonaaday oo rabey inay ka ridaan deegaanada Puntland Fowdo iyo isku dhac dadka walaalaha dhexdooda ah.
Wabilahi towfiiq.
Farah Osmaan (bood boode)
FG: Puntlandpost.com masuul ka ma ahan aragtida faalooyinka ay nasoo gaarsiiyaan muwaadiniinta Somaliyed , waxa ka masuul ah faalada oo kaliya qoraaga ku saxiixan, waana xor xoriyada hadalka.
Daabacaada : Puntlandpost.com