Waxyar ka daawo shir Taariikhiya oo ka dhacay magaalada Copenhagen , shirkaas oo oo ka qayb galeen Safiiro ka socday dalka Ethiopia u fashiya qaarada Yurub iyo Madaxweyne Cabdi Cumar iyo Jaaliyadaha DDSI ee deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo marti sharaf kale oo lagu casumay shirkaas.
Daawo Video-ga
DDS Ethiopian Diaspora ice-breaking peace… by GellesCorner
Shirkaas ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca qaarada Yurub ee ayna qabsoomidiisa ay qayb ka qaateen qaybo badan oo bulshada deegaankaas ah, Safiiro iyo marti sharaf lagu casumay shirkaasi.
Shirkaas ayaa waxaa furay Masuul ka socday Wasaarada arrimaha dibada ee dowlada dalka Denmark, wuxuuna soo dhoweeyey waqtigaas wadahadaka u dhaxeeya Dowlada dhexe ee Ethiopia iyo Jaaliyadaha DDSI ee deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Sikastaba, Shirkaas qabsoomidiisa ayaa baal cusub u furay isfahanka Jaaliyada DDSI iyo dowlada dhexe ee Ethiopia , iyadoo waqtigaas wixii ka danbeeyey uu sii xoogaysanayey isfahanka u dhaxeeya jaaliyada Dibada ee DDSI iyo Dowlada Federaalka Ethiopia.
Puntlandpost.com