Nairobi: (pp)- Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo asbuucyadii tegay gaaray Addis Ababa , Jigjiga, Gaalkacyo . Garoowe , Qardho , hadana ku sugan Nairobi ayaa la sheegayaa inuu gaaray guulo lixaad leh, isagoo safaarada shisheeye la kulmay kana dhaadhiciyey Maamulka Jubbaland State iyo meesha uu ku socdo mustaqbalka.
Wararka nasoo gaaraya ayaa intaas kudaraya in Beesha Caalamka ay taageertay Maamulka Jubbaland State iyo habka ay wax u samaysteen , kaas oo waafaqsan Sharciga Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna la kulmay oo kale hay’adaha deeqaha bixiya oo uu ka codsaday in ay gaaraan deegaanada Jubbooyinka , si loola tacaalo shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool , arrinkaas oo lagu guulaystay.
Dhanka Xasan Sheekh iyo siyaasadiisa marka laga hadlayo ayaa la sheegayaa in arrimaha Jubbooyinka uu doonayo inuu faraha ka qaado isla markaasna uu aqoonsado Maamulka Jubbaland State , maadaama uu si xun uu ugu fashilmay , kuna bixiyey lacago malaayiin ah oo ay bixiyeen Beesha Caalamka.
Axmed madoobe ayaa hada la sheegayaa in haysto taageerada dalalka deriska ah , dowlada Puntland oo 100% taageersan, si ay u shaqeeyso hanaanka Federaalka ah iyo taageerada shacabka Jubbooyinka , waxaana la rajaynayaa inuu maalmaha soo socda uu gaaro magaalada Kismaayo oo hadda ah xarrunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland State.
Puntlandpost.com