Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax lala eegtay ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Kismaayo uu geystay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaas ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso , waxayna wax ka soo gaareen dad rayid ah.
Daawo Video
Qaraxan ayaa imaanaya kaddib markii M/kuxigeenka Jubbaland State Gen. Fartaag uu maalinkii shalay sheegay in ay wax ka qabanayaan ammaanka gobolka , ciidamada ugu baaqay in ay xerooyinkooda ku laabtaan, si ammaanka loo xaqiijiyo.
Puntlandpost.com