Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Nairobi: Xasan Sheekh oo cadaadis siyaasadeed uga yimid Kenya iyo Ethiopia, Puntland, Jubbaland State iyo Siyaasiyiin mug weyn ku leh Soomaaliya (Warbixin Kooban)

$
0
0

Nairobi: (pp)-  Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa doonaya in Maalmaha nasoo haya uu gaaro dalka Kenya, caasimadiisa Nairobi, kaddib markii ay soo wajahday siyaasad hor leh oo uga imaanaya dowlada Kenya, Jubbaland State iyo Siyaasiyiin kale oo mugweyn ku leh siyaasada Soomaaliya.

Madax sareSiyaasiyiin badan oo ay ugu horeeyaan Geedi, Galayr, Cumar C/rashiid, Baadiyow iyo kuwa kale oo asbuucyadan shirar uga socday Kenya ayaa isla meel dhigay siyaasada Soomaaliya , kuwaas oo isla gartay in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay ku fashilantay siyaasada Soomaaliya , maadaama ay Jaanis wanaagsan ay ka heshay caalamka, laakiinse aysan uga faa’iidaysan siddii ay ka filayeen shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiintaas ayaa shirkaas ku qaadaa dhigay in DF ee soomaaliya la toosiyo,  hogaankeeda sarena loogu baaqo inay siyaasada Soomaaliya meel xun ay la galeen, ayna khatar ku tahay Soomaaliya oo waqtigan ay taageersantay Beesha Caalamka.

Prof. Geedi oo ah siyaasiyiinta ugu cad cad shirkii Nairobi ka dhacay ayaa la sheegayaa in marar badan uu la taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh , isagoo kala taliyey arrimaha uu kula jiro faraha iyo qaabka uu u maray arrimaha Kismaayo ee uu  isaga horkeenayo beelaha soomaaliyeed.

Prof. Geedi ayaa la sheegayaa inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay haysato fursad qaaliya , fursadaas oo ay keeneen dowladihii wadanka soo maray laga soo bilaabo 2004-2012-ka, laakiinse dowladan oo heshay fursada qaali ah , lagana saaray Faraha muftaaxii mustaqbalka Soomaaliya ayna u weecisay siyaasadeedii arrimo keeni kara  dagaalo sokeeye oo ay Soomaaliya mar kale gasho, taas oo aysan marnaba suurta-gal ahayn.

Axmed MadoobeMadaxweynaha Jubbaland State ayaa isagana ku sugan  Nairobi,  isagooCaalamka u bidhaamiyey siyaasada Maamulka Jubbaland iyo in Jubbaland iyo shacabkeedu ay mar walba taageersanaayeen Dowlada Federaalka ee Soomaaliya , laakiinse ay dowlada Federaalka ee Soomaaliya hogaankeeda sare ay hortaagnaayeen in ay ka tashadaan ayahooda , arrinkaasna ay Beesha Caalamka mar walba ay la socotay dhismaha iyo cidda diidan Jubbaland State of Somalia.

Dacwada Jubbaland State, Siyaasiyiinta diidsan habka ay dowlada Xasan wax u wado, la shaqayn la’aanta Beesha Caalamka , dhaqaalihii dalka oo uu isticmaalay dagaal sokeeye iyo taageerida qab-qablayaan dagaal , ammaanka magaalada Muqdisho oo faraha ka sii baxaya, Weerardii lagu qaaday xarrunta QM ee Muqdisho , ciidamada dowlada oo falgal siyaasadeed la wadaaga Al-shabaab ,  Dhaqaalihii loogu talagalay dowlada oo gacmo khaldan galay iyo arrimo kale ayaa keenaya , Saluuga waqtigan laga qabo dowlada Xasan Sheekh , wuxuuna isku dayayaa waqtigan inuu gashto Shaar kale oo siyaasadeed, hadduuba guul siyaasadeed ku gaari karo.

faroolePuntland State, ayaa ahaa dowlad goboleedlii  ugu horeeyey ee qaadacay siyaasada DF ee Soomaaliya iyo sidd ay wax u wado isla markaana quus ka muujisay hab dhaqanka dowlada Federaalka ee Soomaaliya, waxayna Puntland ku eedaysay DF ee Soomaaliya mid bedeshay dastuurkii Federaalka ee Soomaaliya, isla markaasna qas gelisay siyaasada dalka, waxaana cabashada Puntland ay keentay in aduunku indho-gaar ah ku fiiriyo siyaasada DF ee Soomaaliya oo waqtigan ay banaanka usoo baxday in DF ee Soomaaliya ay lugaha ku jirto arrimo ka fog hanaanka dowladeed , lacagihii wadanka oo la musuqmaasuqay iyo bareer colaadeed oo hareeyey deegaano ka mid ah Soomaaliya oo ay ugu weynaayeen dagaaladii ka dhacay caasimadii Sadexaad ee dalka Soomaaliya waa Kismaayee oo loo adeegsaday bur-burinteeda hantidii dalka.

Kenya-Ethiopia-4-300x296Kenya & Ethipia ayaa ah kuwo ku wareeray siyaasada Xasan Sheekh, waxyaalaha ay la yaaban yihiin ayaa waxaa ka  mid ah mararka uu booqanayo Madaxweynuhu  dalalkooda wuxuu la soo galaa heshiisyo dhanka siyaasada iyo iskaashiga dhanka ciidamada, haddana marka uu kusoo laabto magaalada Muqdisho waa nin bedelan oo ka soo horjeeda wadahadalkii iyo waraaqihii uu la soo saxiixday oo ku salaysnaa labada qodob ee kor kusoo xusnay, waxayna la yaaban yihiin waxa ka khaldan madaxweynaha DF ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Culusow

Xasan Sheekh Culusow

Sikasta, oo loo saluugsan yahay Siyaasada Madaxweyne Xasan iyo ammaanka dalka oo faraha ka sii baxaya iyo beelihii Soomaaliyeed oo sii kala fogaanaya iyo siyaasadii dalalka deriska ahaa oo sii xumaanaya darteed ayaa waqtigan keentay in Xasan uu garowsaday awoodiisa siyaasadeed ee noqonayso mid sii liicaysa wuxuuna waqtigan qorshaynayaa inuu Safar deg deg ah uu ku tago dalka Kenya , safarkaas oo uu  ku doonayo inuu ku xulufaysto dowlada Kenya uuna faraha kala baxo siyaasada deegaanada Jubbooyinka , oo uu si fool xun oo aan weji wanaagsan lahayn oo ugula kufay dhulka.

Illo wareedyo ay Puntlandpost helayso ayaa sheegaya in madaxweynaha DF Soomaaliya uu Kenya Imaanayo isagoo ay garbaha  ka socdaan Diblumaasi Gen. Muuse Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta DF ee Soomaaliya Cilmimooge , si ay ugu noqdaan xayndaab siyaasadeed oo uu wax kaga bedelayo siyaasadiisii qaldanayd ee uu la wadaagay Fowziya Sheekh iyo  C/kariin Guuleed oo labadaba ahaa qariirada kuwa edejinayey.

Madaxweynaha ayaa safaradiisii hore wadan jiray Koox hal sumad leh oo shacabka Soomaaliyeed ay haysteen in yihiin qaswadeyaasha dowladiisa qaribay , waxaase hada la sheegayaa inuu kuwaas ka soo tegayo uuna ku eedaynayo waqtigan inay kuwaasi ahaayeen kuwa xumeeyey xiriirka dalalka deriska ah, khaasatan Warqadii ugu danbeysay ee lagu eedaynayey Kenya ee loo qoray QM iyo AU.. warqadaas oo ka soo baxday Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya , laakiin dowlada Xasan la sheegayo inay leedahay Warqadaas maanu ogeyn ayna in kirayaan, si loo  qanciyo dowlada Kenya.

Puntlandpost, Nairobi, Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>