GAROOWE(PP): Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan sheikh Maxamed Maxamuud wuxuu 14-kii bishan ku dhawaaqay inuu joojiyey doorashooyinkii golaha degaanka Puntland markii laga baqay in ay doorashooyinkaasi rabshado ka abuuraan degaanada Puntland.
Hadaba waxaan akhrisyaashayada sharafta mudan aan u ogolaanaynaa in ay fikradooda ka dhiibtaan xalka ay isleeyihiin Puntland waxa ay horay ugu sii socon kartaa deganaansho siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Waxaan anagoo ixrimaami doona fikradaha kala duwan ee akhristayaashayada aan soo daabici doonaa kuwa buuxiya shuruudaha hoos ku xusan:
1) Qoraalkaagu waa inuusan noqon mid ka badan hal bog (qiyaastii 250 erey)
2) Aflagaado shaqsiyadeed ama mid qabiil lama ogola in ay ku jirto qoraalkaaga (dabcan siyaasad waa dhaliili kartaa)
3) Magacaaga, wadanka iyo magaalada aad joogtid ku soo saxiix qoraalkaaga.
4) Qoraalkaagu ha noqdo mid micne u samayn kara akhristayaasha faraha badan ee Puntlandpost
Waxaad qoraalkaaga ku soo diri kartaa email-ka: webmaster@puntlandpost.com
Run sheeg waa kheyr sheeg
Puntlandpost.com