Sida ilo lagu kalsoonyahay kuna sugan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuu sheegayaan in hadda khilaaf muuqda uu soo kala dhex galay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Xasan sheekh ayaa aaminsa, in siyaasadiisa ku wajahan Jubaland ay fashilan tahay iskuna dayey inuu isbadal weyn ka muujiyo ka dib markuu cadaadis fara badan uga yimid dublamaasiyeen reer galbeed ah iyo wadamada dariska ah.
Tan kale, dowlada soomaaliya xireekii dublamaasiyadeed ay la laheyd wadamada dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia oo meeshii ugu hooseysay maraya, wadamadaas oo ciidamo fara badan oo nabada ilaalin ah ka joogaan Somaaliya.
Hadaba isbadelkan siyaasadeed aya la aaminsan yahay inuu ka dabeeyo wasiirka Madaxtooyada dowlada Somaaliya Faraax
C/qaadir oo dadaal xoogan ka muujiyey in dowlada Somaliya ay si buuxda u aqoonsato Jubaland kadibna labada dhinac wada hadalo lagu dhameeyo arrintooda.
dhinaca kale Ra’iisul wasaare Saacid iyo wasiirkiisa difaaca Fiqi iyo wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo ayaa aaminsan in la sii wado siyaasadii hore(same old,same old) dagaalana lagu xaliyo arrimaha Jubaland.
In cadaadis xoogan la saaro Amison iyo AU sidii ciidamada Kenya oga bixi lahaayeen Somaaliye. si taas loo hirgaliyo in mudaaharaayo joogto laga sameeyo dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Hadaba, khilaafkan wuxu soo shaac baxay mar shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud uu ku qabsaday Ra’iisul
wasaare Saacid sababta uu ugu faafiyey warbaahinta inuu howlgalo cusub oo milateri uu ka bilaabayaan Shabeele iyo jubooyinka iyada oon lagla tashan arrintaas madaxweynaha qaabkii loo waji lahaa.
Hase ahaatee Ra’iisul wasaare Saacid ayaa wuxuu bilaabay inuu difaaco mowqifkiisa una sheegay madaxweynaha in isaga uu mas’uul ka yahay xukuumada, ayna yihiin fulintii shaqadaasna aan waxba looga baahneen in madaxweynaha lala socodsiiyo.
madaxweynaha ayaa horay u codsay inaan la fulin karin wax aan lagla tashanin Ra’iisul wasaare Saacidna uu ka baxay heshiiskaas. laakiin Saacid arrintaas gaashaanka ayuu ku daruuray, waxayna taa ay keentay khilaaf culus.
Waxa kaloo lagu soo warinayaa in madaxweynuhu uu qaatay go’aan in lala heshiiyo Jubaland taas oo uu khilaafay Ra’iisulwasaare Saacid waxaana xalay Saacid lagu war gelshay in uu kulan la qaato wafdiga Jubaland ka socda ee Xamar ku sugan taas oo uu Ra’iisulwasaaraha diiday, iyadoo sidoo kale Wasiirka 1-aad uu cadaadis xoogan uu kaga imaanayo beesha uu kasoo jeedo oo ah beeshii laga soo saaray Kismaayo.
Qoraalkii: Hussein sh Ali Darwiish
Daabacaadda: Puntlandpost.com