Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dawlada Puntland oo ka hadashay shaqaaqadii Qardho & Saadiq eenow oo difaacay kooxdiisa Damujadiid.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasiirka warfaafinta Dawlada Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo galabta ka qayb galaayey barnaamij dood ah oo ay qabatay Idaacada BBC-da ayaa ka waramay shaqaaqadii ka dhacay Magaalada Qardho iyo cida soo maleegtay.

Caydiid oo ka hadlay shaqaaqadii Qardho

Caydiid oo ka hadlay shaqaaqadii Qardho

Eng: Dirir  waxa uu ayaan daro ku tilmaamay in General Cadde Muuse uu mar Labaad tuute u xirto colaad ka aloosanta Puntland, isagoo si cad u qeexay inuu ka dambeeyey wixii ka dhacay Magaalada Qardho iyo Dilkii Taliyihii ciidamada Kumaandooska Puntland ee dhawaan ku geeriyooday  Magaalada Qardho kadib markii si toos ah ay u toogteen ilaalada cade Muuse kadib markii uu amar siiyey Madaxweynihi hore ee Puntland.

eenow oo si laab leh u difaacay kooxdiisa Damu-jadiid

eenow oo si laab leh u difaacay kooxdiisa Damu-jadiid

Dhanka kale Dr Saadiq eenow oo kamid ah kooxda Damu-jadiid ee hogaamisa Dawlada Federalka ah ayaa siweyn u difaacay qadiyada kooxda Damu-jadiid ay ku hogaamiso Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan wax shido ah ku hayn Maamulada ka jira Dalka sida Puntland iyo Jubbaland, Saadiq ayaa sheegay Dawlada Federalka hadii ay rabto inay wax yeesho Puntland inay mar hore ka taqalusi lahayd Guud ahaan Puntland, hadalkaas oo noqday mid ka yaabiyey umada reer Puntland.

Dr Saadiq ayaa kamid ah Madaxda sare ee kooxda Damujadiid waxaana la hadal hayey maalmihii lasoo dhaafay xil wasiir oo looga magacaabi doona Dawlada Federalka ah kadib isku shaadhayn uu samayn doono Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>