Garoowe: (pp)-Xildhibaanada Puntland ayaa maanta Cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey gobol cusub oo loogu magacdaray Gardafuul, gobolkaas oo noqonaya kii 9-aad ee Puntland kusoo biira iyo Wasiiro ku xigeeno dhowaan la magacaabay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa xarrunta baarlamaanka ka sheegay in Gobol cusub lagu daray Puntland ayna meelmariyeen baarlamaanka Puntland, wuxuuna Guddoomiyuhu intaas ku daray in W/kuxigeeno xasanaada la siiyey , kuwaas oo kala ah Wasiir xigeenka Kaluumaysiga Muuse Geele Yuusuf, , Wasiir xigeenka Cadaalada Cabdiqaadir Yuusuf Daahir, Wasiir xigeenka Amniga Cabdicasiis Siciid Yuusuf .
Gobolkaas iyo ansixintaaa ayaa waxaa soo dhoweeyey shacabka Puntland, kuwaas oo ku tilmaamay in loo qabay baahi aad u weyn.
Puntlandpost, Garoowe