Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: Issimada Puntland oo ka hadlay marxalada kala guurka ee Puntland iyo Shirar ay ka yeelanayaan.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah issimada ugu caansan deegaanada Puntland ayaa ka hadlay marxalada kala guurka ee Puntland ka dib wareysi uu tuulada Kalabeyr kula yeeshey wariye madax banaan oo la yiraahdo Zakariye Khaliif xilli suldaanku uu joogey guri uu ka degan yahay tuuladaas.

Suldaan Siciid oo isagu ka mid ahaa issimadii kasoo qeyb qaatey aas aaska Dowlada Puntland ayaa noqonaya issimkii ugu horeeyey oo ka hadla Marxalada kala guurka Puntland tan iyo markii Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqey talaabadii Dowlada Puntland ku joojineysay tartankii goloyaasha deegaanka ee Ururada Siyaasada Puntland oo deegaanada Puntland ka qabsoomi lahaa 15 July 2013.

Go,aankii Madaxweynaha Puntland.

Suldaan Siciid Wax uu ku tilmaamey Go,aankii Madaxweynaha Puntland uu ku joojiyey tartankii musharaxiinta Ururada Siyaasada ee Dowladaha hoose Puntland mid guul ah oo uu Madaxweynaha Puntland qaatey ka dib markii ay cadaatey inaysan dad badan u bisleyn nidaanka Asxaabta Badan.

Suldaan Siciid iyo Wariye Zakariye Khaliif

Suldaan Siciid iyo Wariye Zakariye Khaliif

Waxa uu sheegey in wax kasta oo u wanaagsan dadka ay ku kala aragti duwan yihiin, midaas oo loo sababeyn karo fahan la,aanta ka jirta xaga Xisbiyada ama Doorashooyinka noocaas oo kale ah oo ay ku yar yihiin dadka garan kara Bulshada reer Puntland.

Suldaan Garaase ayaa sheegey in Puntland ay leedahay cadow faro badan islamarkaana doonaya in uu burburiyo nabadgalyada iyo horumarka ay gaartey ,dadka reer Puntland-na aysan ahayn markii ugu horeysay oo arrimaha siyaasada isku khilaafaan , balse hadda go,aankii joojinta doorashooyinka ee uu qaatey Madaxweyne Faroole uu la xiriirey mid lagu baajinayo wax badan oo cadowga Puntland uu kaga faa,iidaysan lahaa.

Aragtida Issimada iyo Nidaamka Xisbiyada.

Ujeedada ay ku dooneysay Dowlada Puntland hirgalinta barnaamijka Asxaabta Badan ayuu ku sababeeyey Suldaan Siciid inuu la xiriiri karay Aragti ka fog mida ay ku diidanaayeen kooxaha kasoo horjeeday hirgalinta nidaamkaas islamarkaana loo qaateen ay tahay in hadafka dowladu ka lahayd hirgalinta barnaamijkaas uu la xiriiri karey horumar ay ku dooneyso inay ku gaarsiiso wadanka , balse hadii uu soo xirmey barnaamijkii la joogo xilligii ay kaalintooda ka qaadan lahaayeen Issimad Marxalada kala guurka.

“Sida ay dadka qaar u fasirayeen ama annagu-ba aanu ka war hayn waxaa laga yaabaa ujeedada dowladu barnaamijkaas ka lahayd inuu la xiriirey horumar ay ku dooneyso inay ku gaarsiiso wadanka, balse hadii uu soo xirmey barnaamijkii waxa la joogaa xilligii Issimadu isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Suldaan Siciid.

Wada shaqeynta Dowlada iyo Issimada.

Suldaanka oo la weydiiyey inuu jirey xilliyadii u danbeeyey hadal hayn ku saabsan Xukuumada uu hogaaminayo Dr Faroole iyo Issimadu inaysan lahayn xiriir wanaagsan oo u dhexeeyey ayaa arrintaasi beeniyey, waxaana uu sheegey in dowladu ay ahayd mid lahayd Man-date ama talada wadanka oo loo igmadey masuuliyadiisa inay qaadato.

Suldaan Siciid Waxa uu sheegey in uusan u malayn khilaaf ka dhex jirey Issimada iyo Dowlada islamarkaana aysan ku habooneyn in dacalka la qabsado dowlada mar hadii loo gacan galiyey masuuliyada wadanka , waxaana midaasi ay meesha ka saareysaa hadalada dadka qaar kasoo yeerayey marar badan oo lagu shaacinayey in issimada Puntland iyo Xukuumada Faroole wada shaqeyn lahayn.

Ansixintii Dastuurka Puntland.

Suldaan Siciid Waxa uu sheegey inay issimadu goob joog u ahaayeen shirkii lagu ansixinayey dastuurka islamarkaana lagu casumey isaga oo sheegey in shacabka iyo Dowladu iska lahaayeen qorshahaasi ansixinta Dastuurka , taasna ay aheyd mid aan quseyn doorka Issimadu ku leeyihiin dalka oo ay ahayd howl u taalay shacabka iyo Dowlada.

Suldaan Garaase waxa uu ku tilmaamey kaalinta Issimadu inay tahay marjaca loo noqdo, isaga oo si cad u sheegey inaysan doorkoodu ama howsha issimada looga baahnaa ee Ansixinta Dastuurka aysan la xiriirin Issimada oo cod gacan taag ah ku ansixiya dastuurka, taas bedelkeedana uu waajibkoodu ahaa inay goob joog u ahaadaan sida ay ugu codeeyaan Shacabka iyo Dowladu ansixinta Dastuurka, uuna noqdey mid la isku raacay gabo gabadii.

Hadalka Suldaanka uu kaga jawaabayey doorkii Issimada ay ku lahaayeen Dastuurka Puntland ayaa noqonaya mid daaha ka rogaya arrimo badan oo ay mugdi galinayeen kooxo kasoo horjeeda Xukuumada iminka haysa talada Puntland oo inta badan siyaasiin u hadla ay ku mucaaradaan Dastuurka Puntland inaan laga qeyb galin golaha Issimada, taasi oo dadku kala saari waayeen doorka Issimada ay ku leeyihiin midka uu yahay midkood labo arrimood oo aad la isu weydiinayey mudooyinkii u danbeeyey sida inuu noqonayo Issimada oo u codeeya iyo inuu yahay midka uu sheegey Suldaan Garaase.

Hadaba sida muuqata shaki kuma jiro inuu noqonayo kaalinta Issimadu Dastuurka Puntland ansixintiisa ku lahaayeen sida uu sheegey Suldaan Siciid Maxamed Garaase ,waxaana in badan oo bulshada ka mid ah u cadaaneysa in Issimada Puntland kaalintooda mar hore ka qaateen Ansixinta Dastuurka.

Shirarka Issimada Puntland yeelanayaan.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase waxa uu ku sheegey gabo gabadii wareysi uu bixiyey inay u qorsheysan tahay Issimada Puntland shirar ay ka yeelan doonaan Marxlada siyaasadeed ee xilliga kala guurka Puntland.

Suldaanku si rasmiya uma uusan shaacin xilliga iyo goobta shirarkooda Issimadu uga furmayaan ama uu u bilaabmayo , inkastoo uu kusoo beegmayo hadalka Suldaan Garaase ku xaqiijinayo shirar Issimadu yeelan doonaan hadal hayn maalmihii u danbeeyey dadka reer Puntland ku sheegayaan in Issimadu ka dib bisha Ramadaan ay shir ku yeelan doonaan Magaalada Garowe.

Puntlandpost.com
Editorial Office.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>