Garoowe: (pp)- Sida ay Warbaahinta Puntlandpost u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kal soonaan karo waxaa dhamaadka bisha ramadaan kadib uu shirweyne balaaran uga furmaayaa Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland Guud ahaan isimada Puntland.
Shirka isimada ayaa la sheegay in looga hadli doono mar xaladaha ay wajihi doonto Puntland gaar’ahaan sida loo maarayn doono xiliyada kala guurka ah, oo Puntland fooda kusoo haya maadama Dawlada talada haysa ay u harsan tahay billo kooban lana joojiyey Dorashadii Golayaasha degaanka.
Isimada ayaa shirkooda kasoo saari doona qodobo la xiriira halka loo dhaqaaqaayo iyo sida ay u qabsoomayso Doorashada madaxtinimada Puntland iyo weliba sii wadista Hanaanka Dimuqraadiyeynta Puntland oo ay bilowday xukuumada iminka talada haysa.
Dhawaan ayey ahayd markuu shirkan markii ugu horaysay shaaciyey Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimada ugu waaweyn Puntland, Wuxuuna shirka isimadu imaanaya xili la joojiyey Doorashada Golaayasha degaanka oo 15-kii bishan ka dhici lahayd Puntland, Guud ahaan dadka Puntland ayaa isha ku haya halka loo dhaqaaqi doono joojinta doorashada kadib.
Puntlandpost.com