Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Sugida ammniga Puntland oo looga hadlayo Caasimada Puntland

$
0
0

Garoowe: (pp)- Kulan looga arrinsanayo sugida ammniga Puntland ayna goob joog ka tahay hay’ada UNDP ayaa ka socda caasimada Puntland ee Garoowe, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen laamaha ammaanka Puntland, Mkuxigeenka Puntland Gen. Shire iyo Wasiirka ammniga Puntland. Col. Khaliif Ciise Mudan.

Shirkaas oo ay fureen M/kuxigeenka Puntland iyo Wasiirka ammniga Puntland Col. Mudan ayaa labaduba ay sheegeen in Puntland hay’ada UNDP ay ka kaalmaynayso arrimaha ammmaanka Puntland, waxayna labada masuul ka dhawaajiyeen  in Puntland ay waqtigan leedahay Cadoyo badan, loona baahan yahay in si wadajir loo adkeeyo ammaanka deegaanada Puntland.

Mudan_Shire Shirkan oo looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ku aadan dhammaan gobolada Puntland, ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo khuseeya nabadgelyada Puntland.

Qabsoomida shirkaan ayaa kusoo aadaya waqti waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland ay ku baaqayaan in nabadgelyada Puntland la sii adkeeyo kaddib markii shaqaaqooyin ay ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo iyo  Qardho, shaqaaqooyinkaas oo ay ku dhinteen dad shacab iyo ciidan isugu jira.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>