Kismaayo: (pp)- Waxaa dib uga bilowday guddaha magaalada Kismaayo ee Xarrunta gobolka J/hoose ee Kismaayo shirkii maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo shirarkii horay uga socday magaalada Kismaayo ay kusoo biireen ergooyinkii ka maqnaa shirka qaarkood ee gobolka Gedo.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ergooyinkii ka imaan lahaa gobolka Gedo aysan weli soo dhamays tirmin inta dhimana la sugayo maalmaha soo socda, inkastoo ay wakiilo u joogaan magaalada Kismaayo.
Sadexda gobolee kala ah J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa isku afgartay inay qayb sadaan ergooyinka , inkasta oo illaa hadda banaanka la keenay in sadexda gobolka ay si toos ah u qaybsanayaan ergooyinka, kuwaas oo ansaxin doona dastuurka kumeel-gaarka ah ee Jubbaland & Gedo.
Waxaa loo maleeyaan illaa hada waxyaalo badan laga gaaray horrumar ee arrimaha dadka deegaankaas ku nool, kuwaas oo ku qanacsan illaa hada sida ay wax u socdaan.
Inshaa’alah hadii uu hirgalo maamul goboleedka Jubaland State ayaa noqonaya maamulkii Labaad ee buuxsha Maamulka Federaalka ee Soomaaliya , maadaama ay yihiin illaa 3 gobol, marka laga soo tago dowlad goboleedyada Puntland oo 14 sano kahor dhidhidaba loo taagay.
Waxaa kaloo jira maamulka Galmudug oo maamul ahaan u jira , lakiin aan buuxin shuruudihii Federaalka ay ku noqon lahaayeen, waxaa kaloo jira Ximan & Xeeb oo iyadaha gaarkeed u ordaysa iyagana aaan buuxin shuruuradaha federaalka.