Garoowe: (pp)- Maxkmadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta shaacisey in ay xukuno ku ridey ilaa 36 qof oo lagu eedeynayo xiriir ay la leeyihiin ururka alshabab, iyadoona xukunka maxkamadu ridey uu ahaa mid soo bilowdey ilaa iyo 1 febraury sanadkan socdeyna ilaa maanta, sida uu sheegey xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida Cabdi Kariim Xasan Firdhiye.
Dhegeyso Xeer Ilaaliyaha Ciidamada qalabka sida
Shaacinta xukunadani maxkamadu ku ridey dadkan ayaa ahaa mid isugu jiray, dil, xabsi daa,im,iyo saddex sano oo xarig ah,iyadoona uu sheegey xeer ilaaliyuhu in ay ahaayeen dadkan la kala xukumey kuwo ka tirsanaa Amniyaadka alshabab , kuwaas oo gudaha Puntland ka geystey falal amaan xumo.
Dhanka kale maxkamada ayaa maanta go,aamisey in la siidaayey ilaa iyo 13 qof oo lagu waayey kiisas, waxayna ahaayeen kiisaska maxkamadu qaadey ilaa 60 kiis , halka 11 kiisna dib maxkamadu ay u dhigtey.
Cabdi Kariim oo ah xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegey inay gacanta ku hayaan dacwada raggii ka danbeeyey dilkii DR Axmed Xaaji CabdiRaxmaan,ka dib markii dilka lagu xukumay Boosaaso gacanta lagu hayey ay racfaan ay ka qaateen xukunkii dilka ahaa ee ay ku riday maxkamadda ciidmada qalabka sida ee gobollada Bari Sanaag,Karkaar iyo Haylaan.
Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe