Muqdisho: (pp)- Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey hadal haynta in maqaasiino hubka lagu keydiyo oo ku yaal madaxtooyada DF ee Soomaaliya laga waayey, iyadoo la sheegayo in Hubkaas laga gaday rag siyaasad ahaan taageersan Alshabaab, halka warar kale ay sheegayaan loo hibeeyey kooxo kale.
Hubka maqan ayaa la sheegayaa in ka mid yihiin madaafiicda mootarada ay ka dhacaan & saanado meleteri , mana layaqaan hubkaas cidda uu gacanta u galay.
Wararakaan ayaa soo xoogaysanaya , waxaana dadka ku nool magaalada Muqdisho ay arrinkaas ku sheegeeyaan mid macquul noqon kara , maadaama dadka masuulka looga dhigayo hubkaas aan lagu soo xulin aqoon ciidan, isla markaasna aysan jirin cid la xisaabtamaysa.
Hubkaan ayaa laga weynayaa maqaasiinka dowlada , waqti hubka qaarkiis cuna qabayntiisa laga qaaday dowlada Federaalka ee soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Culusow, arrinaakna wuxuu na tusinayaa in haddii Hub loogu deeqo dowladeena aysan xajin karin.
waxaana arrimahan ay soo laa-laabanayeen illaa sanadihii ugu danbeeyey , waxaa kaloo xusid mudan in Sanado kahor dowladii Sheekh Shariif, hub badan oo lagu tageeray dowlada uu gacanta u galay Xoogagii Al-shabaab , iyagana ay sheegeen Al-shabaabku inay Hubka ka iibsadaan Dowlada.
Xarrunta madaxtooyada Federaalka Soomaaliya ayaan arrinkaas weli ka hadlin , waxaana arrinkaan uu immaanaya dhowr casho kaddib markii Maxaabiis Soomaaliyeed si xun loo jirdilay , iyagoo lagala soo baxay Xabsiyada isla markaasna lasoo dhigay iyagoo Mayd ah jidadka magaalada Muqdisho.
Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaaliya