Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MANDHEERA : Qarax khasaare gaystay oo xalay kadhacay magaalada Mandheera

$
0
0

Mandheera: (pp)-Waxaa xalay salaadii maqribnimo kadib kadhacay magaalada Mandera ee gobalka waqooyi Bari Kenya qarax uu khasaare kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamada dalka Kenya.

Sida laxaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday laba kalena way dhaawacmeen kadib markii uu haleelay qaraxa oo uu noociisu ahaa walaxaha qarxa oo goobata kuduugnaa waxaana sidaasi warbaahinta Kenya usheegay sarkaal katirsan ciidanka Kenya oo kusugan Magaalada Mandera, waxaana uu intaasi kudaray in askariga geeriyooday uu ku istaagay halka uu qaraxu kuduugnaa deetana uu goobta ku qarxay.

magaalada mandera

magaalada mandera

Labada askari ee ku dhaawacantay Qaraxa ayaa kujira Isbitaalka magaalada Mandera waxaana xiligani latacaalaya xaaladooda saraakiisha caafimaadka ee Isbitalkaasi, waxaana jirin wax khasaare ah oo soogaratay dadka rayidka ah ee kusugan goobta uu qaraxu kadhacay.

Ciidamadani ayaa lasheegay inay Roondo kahayeen gudaha magaalada, waxaana ay tani qayb katahay qaraxyo isxig xigay oo muddoyinkii dame kadhacayay magaalada Mandera ee gobaka waqooyi Bari Kenya.

illaa iminka majirto cid sicad usheegatay masuuliyada qaraxani, waxasi loo malaynaya inay kadameeyeen ururka al-shabaab oo iyagu horay qaraxyo uga gaystay magaaloyin kamid ah dalka Kenya.

Puntlandpost..


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>