Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho: Goobaale iyo raga taabacsan oo laga bedelayo Sh/hoose (Warbixin)

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Maalinkii shalay oo baarlamaanka looga yeeray Wasiirka arrimaha guddaha C/kariin Guuleed isla markaana la weydiiyey su’aalo badan oo ku aadanaa dagaalada ka socda gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in ay jiraan dhibaato badan oo ka jira deegaankaas, wuxuuna dhanka kale beeniyey in dagaaladaas  ay u dhaxeeyeen Ciidamo dowlada ka tirsan iyo Beelaha gobolkaas dega, wuxuuna taas bedelkeeda baarlamaanka ka sheegay in waxa dagaalamay ay ahaayeen Beelo halkaas wada dega.

Guuleed oo lala xisaabtamay

Guuleed oo lala xisaabtamay

Inkasta oo hadalada uu ka jeediyey baarlamaanka ay ahaayeen kuwa lagu weeraray lagana dareemayey inuu dhinac u xaglinayo ayuu markii danbe si fiican uga Jawaabay su’aal qancisay baaralamaanka isagoo yiri ” waxay dadku deegaanku dhibsadeen nin masuul ah joogitaanka uu  joogo deegaanadaas “ ninkaas oo ula jeediyey  Goobaale , kana gaabsaday inuu magaciisa xuso.  Goobaale ayaa mid ahaa Qab qablayaashii deegaanadaas qabsaday wixii ka danbeeyey 1991-dii,wuxuuna Goobaale ka mid ahaa saraakiishii Dooxada Jubba.

Sikastaba, waxaa Puntlandpost soo gaaraya Warar sheegaya in  Cuqaasha deegaanada Sh/hoose  ay ka dalbadeen dowlada Federaalka ee Soomaaliya in ay ka bedelaan deegaankaas Goobaale ayna arki karin isaga iyo maleeshiyaadka uu wato oo qaab beeleed u jooga deegaanadaas, iyagoo wata magaca dowlada, waxaana deegaanadaas u yaal Isbaarooyin kala duwan.

DF ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay go’aankan uu ku adkaaday , maadaama aysan ka fileyn Cuqaasha deegaankaasi inay soo gudbinayaan Codsi intaas le’eg oo lagaga dalbanaayo in Goobaale laga bedelo gobolkaan isaga iyo ciidanada u jooga. Waxaana Wararka nasoo gaaraya ay intaas ku darayaan  in qaabkii looga bedeli lahaa Goobaale gobolkan ay wado dowladu, si kasta ha ugu adkaadee.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>