Kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Warbaahinada oo looga hadlayay xeerka Saxaafadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kusoo hadal qaaday amaanka magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ciidamada amaanka howsha ay hayaan ay sugida amaanka aysan yareyn balse waxa uu sheegay in qaraxyada magaalada ay sabab u yihiin qalab yari iyo dadka falalka amni darada gaysta oo aan dadka laga dhex saari karin.
Halkan ka dhegeyso riix
Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muuqda iyo mid niyada dadka ah, waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay ka qeyb qaadato amniga iyada oo dadka u sheegeysa in marka laga tago qaraxyada dhacaya in badan oo ka mid ah ay ka hortagtay dowladda Soomaaliya.
Weerarkii u dambeeyay ayaa lala eegtay shismo ay magaalada Muqdisho ka daganayeen shaqaalaha Turkiga iyadoo weerar kale oo is xigxiga ay ka dhaceen magaalada bil gudaheeda.