Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

C/wali Gaas oo u soo safraya Deegaanada Puntland,(Muxuu la xiriira safarkiisu?).

$
0
0

Garowe: (pp)- Ilo xogogaal ah oo saxaafada u waramay ayaa sheegaya in uu jiro dhaq dhaqaaq uu ku doonayo sidii uu ku imaan lahaa todobaadyada soo socda deegaanada Puntland Ra,iisal wasaarihii hore DKMG Somalia C/wali Maxamed Cali (Gaas) .

Wararka soo baxaya ee ay helayso Shabakada wararka ee Puntlandpost ayaa tilmaamaya inuu Prof C/wali kasoo degayo magaalada Bosaso, isagoo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno saaxiib dhow la ah oo kala shaqeynaya ololaha siyaasadeed ee ku wajahan Isbedel la filayo in uu ka qabsoomo Puntland horaanta sanadka 2014 oo noqon doono xilliga loo asteeyey inay dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Puntland ka bilowday todobaadyadii lasoo dhaafey ayaa soo shaac baxay ka dib markii la joojiyey doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, Sidoo kalena golaha baarlamanka Puntland ay cod aqlabiyad leh ku go,aamiyeen in nidaamka doorashooyinka Puntland uu noqdo midkii hore oo kale ee beelaha ay kusoo xulaan xillibaanada cusub ee imaanaya dhamaadka sanadkan 2013.

Waxaana sida ay Puntlandpost.com horey u baahisey C/wali Cali Gaas uu ku hanweyn yahay inuu isu soo taago  Kursiga Madaxweynaha, oo ay ilo xogogaal ah xaqiijinayaan inuu shaacin doono Musharaxnimadiisa marka uu yimaado Prof Gaas Bosaso, oo aan si rasmiya loo sheegi karin taariikhda iyo maalinta uu kusoo beegan yahay marka laga yimaado wararka sheegaya maalmaha Ciidul Fidriga oo in ka yar 10 cisho ka hartey inuu imaan doono C/wali Gaas iyo Saaxiibadiisa loolanka siyaasadeed kula safan.

Dhanka kale Siyaasiin ka tirsan dhinacyada uu u dhexeeyo loolan siyaasadeed ee marxalada kala guurka ayaa Puntlandpost waxay si hoose ugu sheegeen in musharaxiinta shaashada kasoo muuqan doona ay ku jiraan xubno sar sare oo si weyn looga yaqaano saaxada siyaasada,kuwaas oo maalmihii u danbeeyey wararka dadku isla dhexmarayeen lagu hadal hayo xubno uu ka mid yahay Ra,iisal Wasaarihii hore KMG Somalia Prof Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo loo badinayo inuu kusoo biiro musharaxiinta ku loolameysa Kursiga ugu sareeya Xukuumada Puntland, kuwaas oo dhamaantood u hanqal taagaya helista Kursiga, halka ay jiraan warar sheegaya is xulufeysi durba laga dhex dareemayo Siyaasiinta ay ka mid yihin Dr Faroole ,Cumar C.rashiid oo isku dhinac ah iyo C/wali Cali Gaas iyo Cade Muuse oo iyana isku dhinac ah islamarkaana dhamaantood ay koox-ba koox-deeda kale u hanqal taagayaan helista Kursiga Madaxtooyada Puntland.

Bilihii lasoo dhaafey C/wali Gaas waxa uu socdaalo kala duwan ku kala bixinayay dalal badan oo caalamka ka tirsan , iyada oo la saadaalinayey in safaradaas ay qeyb ka ahaayeen taageero balaaran oo uu ka raadinayey Jaaliyadaha reer Puntland ee ku nool Wadamada Caalamka, waxaana imaanshiyihiisa la filayo inuu ku soo gaaro Puntland uu kusoo beegmayaa xilli qaban qaabo xoogan loogu jiro xulista xubnaha Mudanayaasha ee Xillibaanada beelaha ka imaanaya.

Iskuu wada duuboo ma jiraan ilaa hada cid ka tirsan xubnaha aanu magacyadooda xusney oo si rasmiya u shaacisey musharaxnimadooda, inkastoo la hadal hayo dhaq dhaqaaqa ugu horeeya ee musharaxiintu inuu yahay mid ka bilaabman doono xilligii horey looga bartey inay musharaxiintu ku shaaciyaan hadafkooda ama go,aamadooda ku aadan u tartamida jagooyinka xukuumada ugu sareeya, marka la gaaro bilaha Setember , October iyo November oo ah dhamaadka sanadkan 2013.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>