Garowe: (pp)- Masuuliyiin ka tirsan DF Somalia ayaa la wareegay kuraasta 50 ardey oo Puntland deeqo Waxbarasho uga heshay dalka Sudan.
Waxaa la helay xog ama waraaq cadeynaysa qoraal ay Dowlada Sudan u dirtey Wasiirada Horumarinta Arrimaha Bulshada Somalia Drs Maryan Qaasim oo ay ku cadahay dadaal ay ugu galeyso in xayiraada shahaada Puntland laga qaado , madaama wasiiradu ay ku cadeysay qoraalka ay u dirtey Masuuliyiinta Waxbarashada Sudan in Puntland ay tahay mid mudan in la tix galiyo, madaama ay horumar ka sameysay dhinacyo ay ka mid yihiin Manhaj midaysan ,Imtixaan isku mar la qaado iyo Siyaasad waxbarasho oo degsan.
Sida ka muuqatey Waraaqda ay u dirtey Wasiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada Dowlada Federalka Somalia dhigeeda Sudan Drs Sucaad Cabdirisaaq inay ku wergalineyso tix galin Dowlada Sudan ay siiso Shahaada Puntland, balse la nasiib daro waxa ka dabo shaqeyeey oo is hortaagay dadaalka Drs Maryan Qaasim, Rag ku jira Xukuumadda oo ka mid yahay Cabdikariin Guuled oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isku duba riday wafdi uu hogaaminayo Maxamed Nuur Gacal Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda oo tagay Sudan.
Wafdiga ayaa sida la sheegey aan waxba ka soo qaadin warqadii wasiirka islamarkaasina baal-maray xaqiiqda ka jirta horumarka Puntland dhanka waxbarashada ka gaartay, Iyagoona kulamo uu la yeeshey Gacan Masuuliyiinta Waxbarashada Sudan ay u suurto gashey inuu jeebka kusoo shubto liiska 150 kursi oo ah deeqdii Waxbarashada Somalia sanad walba Sudan siin jirtey.
Sudan ayaa sanad weliba Puntland ,Somaliland iyo Muqdisho mid 50 kursi siin jirtay taasi oo sanadkan meesha ka baxday ka dib markii gacal uu sheegay in Muqdisho lagu qaybin doono.
Wasiir Guuleed oo bahda waxbarashada ka tirsanaa ayaa ku doodaya inaan la qaadan karin Shahaadada Puntland loona baahanyahay inay tan Somalia hoos yimadaan.
”Gabadha wasiiradu shakhsi bay ka tahay ,way u dadaashay Puntland laakiin waa lagu khiyaamay wafdigii Sudan loo direy,Waxaana kow ka ah isdaba-marinta socota Safiirka Somalida ee Khartoum iyo Qaar ka mida Shaqalaaha Waxbarashada Muqdisho” Ayuu yiri Cabdulaahi Faarax Mire oo ah Madaxda Dalada Waxbarashada Puntland.
Sida laga warqabo ma lahan Shahaadada DF Manhaj u gaar ah oo imtixaanka loo galo iyo Siyaasad u degsan midna, halka taas bedelkeeda Puntland ay leedahay Manhaj waxbarasho oo mideynaya waxbarashada Dugsiyada ee isugu jira kuwa Dowlada iyo Kuwa gaarka loo leeyahayna ayna wada ictiraafeen dhamaan in Manhajkaas uu hago siyaasada Waxbarasho ee deegaanada Puntland oo iyadu hoos timaada Wasaarada Waxbarashada Puntland.
Waxaa la yaab ah marka loo eego Amaan uu dhowr mar usoo jeediyey Madaxweyanha Dowlada Federalka Xasan Shiikh Maxamud Waxbarashada Puntland horumarka ay ka sameysay in hadana uu jiro dagaal ka dhan ah Puntland oo biyaha hoostooda ay ka wado Dowlada Federaalku , kaas oo ay ku dooneyso inay isku hortaagto xaqa Puntland ay ku leedahay deeqaha Somalia hesho.
Tirada Ardeyda Puntland laga dhacay ayaa lagu sheegey inay gaareyso ilaa iyo 50 arday, islamarkaana uu hada jiro dadaal ay wadaan masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Puntland oo doonaya inay soo dhacsadaan xaqooda la duudsiiyey sida ay Puntlandpost u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Waxbarashada Puntland.
Axmed Caydiid oo horey u ahaa Wasiirkii Waxbarashada DFKMG ayaa warqad u qoray dhigiisa Sudan uu ku joojinayo Aqoonsiga Shahaadada Puntland islamarkaasina ku xusay inay tan Muqdisho tahay mida keliya ee jirta.
DF Somalia ayaa heshiis qeexaya la gashey dalalka caalamka bishii March 2013 in Dowlada Somalia ay u qeybiso deeqaha iyo kaalmada Somalia loogu talo galay si siman, balse taasi marka loo eego waa mid beenowday oo aysan waxba ka hirgalin sida ay ku sababeeyeen siyaasiin ka tirsan dhinacyada Somalia.
Xukuumada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamud ayaa marar badan lagu eedeeyey inay tahay mid dalka ka wada Sad bursi sii kala fogeyn kara isku soo dhawaanshiyaha Ummada Somaliyed oo ay magac ahaan sheegato inay u tahay Dowlad ama u matasho beesha caalamka xiriirka Somalia ay la wadaagaan.
Puntlandpost.com
Editorail.