Boosaaso: (pp)- Haween,dhalinyaro,hogaamiye dhaqameed,Xubno ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland iyo maamulka degmada Bosaso ayaa si wada jir ah ugu dabaal-dagay 1-agost oo ku beegan 15-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay maamulka qangaaray ee Puntland.
Masuuliyiinta dadweynaha kala qayb galay Munaasabada ayaa waxa qayb ka ahaa,Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcadbadeeda Eng. Siciid Maxamed Raage,Wasiir ku xigeenka amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntlad Qaasim Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale.
Madaxda iyo bulshada u dabaal-dagay Munaasabada ayaa isugu hambalyaynayay qaangaarnimada Puntland,waxaana wajiyadooda laga dheehan karay dareen farxadeed.
Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan oo Daah-furay Munaasabada ayaa hambalyo diiran u diray Madax iyo dadweynaha reer Puntland,waxaana uu xusay in halka ay marayso Puntland ay horseed u ahayd amaanka iyo xasiloomnida ka jirta deegaanada Puntland.
Wasiirka Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcadbadeeda Eng. Siciid Maxamed Raage oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadlayay dadweynaha ayaa sheegay in Xukuumada Puntland ay ka go’an tahay dhamaystirka Garoonka diyaaraha ee Bosaso,ka hor mudada ka dhiman xilhaynteeda.
Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntlad Qaasim Maxamed Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa sheegay ka hor inta aan la dooran Xukuumada uu hogaanka u hayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ‘’Farole’’ in Puntland aysan lahayn Calan,Dastuur,Astaan,Telifishan iyo Madaxtooyo Casri ah,hasa yeeshee Xukuumada Puntland ay ku guulaysatay hirgalinta arrimahaasi.‘’…..
‘’..Xukuumada Puntland Waxay ku guulaysay samaynta Dastuurkn oo ah kan maanta aan ku dhaqmayno ee aan gacanta aan ku hayno,calankii Puntland loo sameeyay waa kaas horteena ka babanaya,waxaad og tihiin in Telefishankeena uu tijaabo ku jiro,lana sameeyay Mdaxtooyo casri ah oo la mid ah Madaxtooyooyinka caalamka’’Ayuu yiri Qaasim.
Wuxuu intaas ku daray Qaasim Maxamed Yuusuf in waxyaabaha ay dowladu ku guulaysatay ay qayb ka tahay,Amaanka,hormarinta Waxbarashada,shaqaalaysiinta dadka aqoonta leh,waayo buu yiri Wasaada Maaliyada iyo hay’adaha kale ee dowlada qofka ka shaqaynaya waxa lagu shaqaalaysiiyaa Aqoon.
Si kastaba ha ahaate arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Gobolada Puntland looga dabaaldagay Munaasabada 1-da agost oo ah maalin u gaara reer Puntland.
Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost,xafiiska Gobolka Bari.