Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: dhageyso cod ama Akhriso dhamaan qodobadii xasaasiga ahaa ee Dr Faroole uu kusoo jeediyey khudbadiisii xalay.

$
0
0

Garowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamud oo xalay khudbad dheer oo dhinacyo badan ka hadlaysa kasoo jeediyey Munaasabadii Xuska 15 sano guurada Puntland ayaa ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin , Joojintii doorashooyinkii goloyaasha deegaanka Puntland, Xiriirka Puntland iyo Dowlada Federalka, Shidaalka qodis maamulka Somaliland uu doonayo inuu sameeyo,iyo Wax-qabadka Xukuumadiisa.

Halkan ka dhageyso Khudbada oo dhameystiran.

Khudbada Madaxweynuhu uu soo jeediyey oo qiyaastii gaareysay 1 saac iyo dheeri ayaa shabakada wararka ee Puntlandpost.com sameysay isku day ku aadan inay qodob qodob u dul istaagto Qodobadii uu kaga hadlay.

Dastuurka Puntland.

Dastuurka Puntland oo ahaa midkii ugu horeeyey ee ay yeelato Puntland ayuu sheegey Madaxweynaha Dowlada Puntland inay ku guulaysteen dhameystirkiisa, iyadoo dib u eegis balaaran lagu sameeyey.

Mudane Faroole ayaa sheegey in diyaarinta Dastuurka ay door muhiim ah kasoo qaateen Xukuumadii ka horeysay Xukuumadiisa, Balse iyana ay qeybtoodii dhimaneyd kasoo qaateen islamarkaana Aakhirkii lagu guuleystey ku dhaqaaqida Qodobada uu qeexayay ee ay ka mid ahaayeen hirgalinta nidaamka Asxaabta oo dalka loo horseedo.

Hanaanka Xisbiyada ee Puntland.

Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed Aw Maxamud waxa uu sheegey in caqabado badan lasoo gudboonaadeen hirgalintii barnaamijkii Asxaabta badnaa, midaas oo ay sabab u ahayd ka dib dadaalo badan iyo guulo la taaban karo oo laga soo gaarey mudadii lasoo waday barnaamijkan ay soo baxeen markii danbe kooxo is bahaystey oo doonayey inay kaga faa,iideystaan nabadgalyo daro ay ka abuuraan Puntland uu kalifey inuu garowsaday hakinta hanaanka asxaabta badan ee Puntland si dalka iyo dadka aan looga dhex abuurin fowdo.

Halkan ka dhageyso Khudbada oo dhameystiran.

Balse taas bedelkeeda waxa uu sheegey inuu ku hamiweyn yahay dhameystirka hanaankan oo uu sheegey inuu hada joogo meel fiican oo si fudud looga sii amba qaadi karo mustaqbalka dhow, iyadoona uu carabka ku dhuftey mudadii barnaamijku soo socdey inay gacan weyn ku siiyeen hay,addaha caalamiga ah, islamarkana ay balan qaadeen bilaabitaankiisa danbe inay gacantii horey ay uga geysanayeen mid ka balaaran inay ka geysan doonaan.

Gen Cade Muuse oo lagu eedeyey masuuliyadda dhacdadii Qardho.

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka hadlay qaabkii la isku hortaagay  sanaadiiq-dii codadka ee  Gobolada Puntland loo direy xilligii tartanka goloyaasha deegaanka la qorshaynayey  ayaa waxa uu sheegey in dhowr goobood kooxo ay  jidgooyo u dhigteen gawaaridii waday sanaadiiqda, kuwaas oo aanan lala dabo joogin hub iyo ciidan midna.

Waxaana mar uu ka hadlayey shaqaaqadii Qardho ka dhacdey 14 July 2013  uu ku eedeyey inuu soo abaabuley Gen Cade Muuse Xirsi oo Madaxweyne Puntland kasoo noqdey 2005 ilaa 2009 .

Madaxweynaha Puntland C/raxman Faroole waxa uu sheegey ka dib baaritaano iyo dabo gal lagu sameeyey dadka ka danbeeyey shaqaaqada lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland iyo qof rayid ah ay kusoo ogaadeen hay,addaha Amniga iyo Boolisku inuu yahay Gen Cade Muuse oo la sheegey inuu isagu soo abaabuley maleeshiyaadka soo weerarey ciidankii saldhiga Qardho joogey xilligaas.

Dr Faroole ayaa ku tilmaamey Cade inuu yahay shaqsi Wadanka Canada uga soo dhoofey sidii uu fidmo iyo qalalaase uga ridi lahaa Puntland oo sida taariikhdu qoreyso markii ugu horeysay ee uu yimid uu dagaal kala horyimid Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/raxmaan oo aan sidaas uga faaloon Warbixinta Booliska Puntland ay ku sheegeen inuu Gen Cade Masuul ka ahaa falkaas ayaa geesta kale si adag u dicaafey u dhawaanshiyaha xaqiiqda warbixinta Booliska oo uu si adag u yiri inay tahay mid xaqiiqo ah oo aanan been ku jirin sida lagu helay xogo kala duwan ka dib baaritaankii la sameyey inuu Cade Muuse Xirsi lahaa abaabulka dilkii saraakiisha Qardho loogu geystey.

Dastuurka Dowlada Federalka.

Mar uu ka hadlayey Madaxweynuhu Arrimaha Federaalka waxa uu sheegey in Dowlada Federalka Somalia ay ku cayaartey Dastuurkii horey loogu heshiiyey, ayna taas bedelkeeda sameysatey mid u gaar ah, Islamarkaana ay dhinac martey sidii uu qabay sharciga nidaamka Federalka u dhigan.

Qodobo badan oo aan ku qorneyn Dastuurkii hore ayuu sheegey Madaxweyne Farole inay kusoo dartey Dowlada Federalku Dastuurka ay sameystay, isagoona talaabadaas ku sheegey inay noqoneyso mid muujinaysa inaysan cid-na wakiil ka ahayn Dowlada hada jirta.

Halkan ka dhageyso Khudbada oo dhameystiran.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegey inay yihiin kuwo aan waxba ka jirin wada hadalada Somaliland la bilowday Dowlada Federalka oo ku tilmaamey inay yihiin kuwo dhinac marsan Dastuurka dalka u yaal islamarkaana ay ku dhisan yihiin Wada hadaladaasi kuwo Malo Awaal ah, oo aysan awood u lahayn Dowlada Federalku inay Aqoonsi ku siiso maamulka Somaliland.

Shidaalka Somaliland qodayso.

Waxa uu fariin digniin ah u direy Madaxweynaha Dowlada Puntland maamulka la magac baxay Somaliland oo uu ku eedeyey inuu todobaadyadii lasoo dhaafey soo faro galinayey deegaano uusan lahayn islamarkaana maamulkaas uu ku doonayo inuu isaga oo kusoo mar marsiyoonaya shidaal laga baarayo dhulka Somaliland uu ku doonayo inuu ku soo xadgudbo, iyadoona Dr Faroole uga digey Somaliland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku hanjabay hadii talaabadaas ay ku dhaqaaqdo Somaliland inay iyadu iska leedahay Masuuliyada dhibka ka yimaada, Islamarkaana uu sida sharciga uu yahay in la tix galiyo nabad galyada iyo daris wanaaga , hadii taas ay soo dhaaftana oo ay dhacdo qolo soo xad gudubta ay imaaneyso wada xisaabtan dhex mara labada dhinac ayna Puntland iska daafaceyso faro galinta Somaliland ku hayso deegaanadeeda.

Wax-qabadka Xukuumadiisa.

Dr Faroole Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu sheegey mudadii ay xafiiska joogeen inay soo hooyeen guulo badan oo hadda wax-qabadyadooda ka muuqda Deegaanka Puntland iyo kan Somaliya, isagoona carabka ku dhuftey in la fuliyey mashaariic faro badan oo wax-laga qabanayo baahiyaha ka jira dhulka Puntland, Sida adeegyada bulshada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Fulinta wax-qabadyo muuqda iyo waxyaabo kale oo aad u faro badan.

Puntland ayuu sheegey markii Xukuumadiisu la wareegtey masiirkeeda inay waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay ka qabteen ay ka mid ahaayeen , Amaanka, Calanka iyo Astaanta Puntland iyo dhameystirka Dastuurkii Puntland oo lagaga gudbey Axdi qarameedkii mudada dheer lagu soo maamulayey Puntland.

Halkan ka dhageyso Khudbada oo dhameystiran.

Madaxweyne Faroole oo ku dheeraadey wax-qabadkii Xukuumadiisa ayaa qeybo badan oo ka mid ahaa wax-qabadkaas qodob qodob u dul istaagey isagoona sharaxaad ka bixiyey mashaariicda la fuliyey, kuwa hada socda iyo kuwo dhiman ee qorshuhu yahay in dhawaan la fulinayo.

Puntlandpost.com
Editorail Office.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>