Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qardho: Gen Cadde Muuse oo sheegey inay burbureyso Puntland, Taageerayna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

$
0
0

Qardho: (pp)- Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ‘”Cadde” ayaa sheegay inay Puntland u burburi doonto gobol gobol iyo degmo degmo ,xili laba maalmood laga joogo dabaaldegi 15-sanno guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland.

Ka dib gudi baaritaan oo loo saaray dhacdadii Qardho 14 July,2013 ayna ka qayb qaateen booliska ,nabad-sugida ,sirdoonka iyo denbi baaristu ayay dhamaadkii soo saareen in Gen.Cadde Muuse uu ka danbeeyay abaabulka rabshadihii dhiigu ku daatay.

Cadde Muuse oo wareysiyo siiyay Idaacadaha Somaliga maanta 03 Aug,2013
ayaa sheegay in Canada 2002 uu uga yimid odaynimo iyo sidi uu nabada uga shaqeyn lahaa xili uu maleeshiyo beleed la galay Degmada Ceel-Afwayn qaybna ka ahaa dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay ka dibna isagoon cidi wax ka waydiin uu kursiga ku hantay 2005 sida Puntland horey u shaacisay.

Doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo qorshuhu ahaa inay dhacaan 15 July, 2013 ayaa maalin ka hor la joojiyay ka dib rabshado ka dhacay qaybo ka mida Puntland ,waxana lagu edeeyay Madaxweynihii hore inuu ka danbeeyay abaabulka hubeysan ee lagu qaaday ciidanka dowladda iyo sanaadiiqda doorashooyinka degmada Qardho.

Puntland ayaa sheegtay inay xiriirka u jareyso DF Somalia ka dib markii la musuq maasuqay deeqihii waxbarasho ee ardeyda reer Puntland ,kuwii caalamiga ahaa ee magaca Somalia lagu soo helayna lagu koobay Muqdisho.

Cadde Muuse oo wax laga waydiiyay arintaasi ayaa si wayn uga soo horjeestay in xiriirka Dowladdu u jarto Federaalka oo uu ku tilmaamay go’aan gaar ahaaneed xili ay suuqyada ka buuxaan boqolaal ardey ah oo kuraastoodi waxabrasho lagu boobay Muqdisho qaarna kumanaan Doolar lagu xiray inay siistaan.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>