Buurtinle: (pp)- Ceel biyood laga qoday Degmada Buurtinle ayaa si rasmiya waxa u daahfurey Shirkada Paasaweyn iyo Hay,adda World Vision oo iyagu iska kaashanayey qodista ceelka iyo maalgalinta kharashka ku baxay.
Muddo saddex bilood ayuu socday qodaalka ceelka oo lagu tilmaamey inuu yahay midkii ugu biyo badnaa oo laga helo degmada buurtinle inuu yahay ceelka la daahfurey 01 Augsto 2013 taariikhdu markay ahayd.
Masuuliyiin ka kala socotey Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Hay,adda Biyaha ee Puntland Baasaweyn , Hay,adda World Vision iyo Maamulka Degmada Buurtinle ayaa ka qeyb galay munaasabada ceelka lagu daahfurey oo ka dhacdey Buurtinle.
Maamulka Degmada Buurtinle ayaa soo dhaweeyey ceelka biyihiisa lagu guuleystey in la helo ee laga hirgaliyey Buurtinle waxaana uu sheegey inuu kusoo beegmayo ceelku xilli dadka ku nool Degmadu ay baahi u qabeen biyo la isku halayn karo .
Maamulaha Shirkada Biyaha ee NUWACO Cabdi Ibraahim oo ka hadlay wadadii loo marey qodista ceelka ayuu sheegey inuu ceelkan uu ka mid yahay saddexda ceel ee ugu dheer ceelasha ku yaal Puntland marka loo eego Mitiraadka la qodey oo uu gaarayo ceelkan 410 Mitir,isagoona taas dabo dhigey Cabdi Ibraahim inay shirkada Nuwaco ku guuleysatey.
Wakiil ka socday Hay,adda World Vision oo ahayd hay,adda bixineysay mashruuca maalgalinta ee ceelka lagu qodayey ayaa sheegey in uu ugu baaqayo bulshada reer Puntland sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen biyaha ceelka oo ah mid aad u biyo badan islamarkaana Hay,adda World Vision uu ceelku qeyb ka yahay mashaariic badan oo ay hay,adda World Vision ka fulisay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.
Buurtinle.