Baydhabo: (pp)- Maleeshiyaad taageersan Al-shabaab ayaa xalay dagaal qorsheysan ku qaaday goobo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Goobaha weerarka lagu qaaday ayaa fariismo u ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalada Baydhabo, weerarada as oo ay ka dhasheen qasaaro labada dhinac ah.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Federaalka ayaa iska difaacay Weerarada Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas ay labada dhinac ka soo gaartay Dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka kale, Rasaasta ay labada dhinac ay is weydaarsanayeen ayey dhibaato ka soo gaartay dad rayid ah oo rasaastu haleeshay.
Dagaalakii xalay ka dhacay Baydhabo ayaa lagu qiimeeyey inuu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada, tan iyo intii laga saaray magaalada Al-shabaab magaalada Baydhabo.
Waa weerarkii Labaad ee ugu baaxada weynaa ee ay Al-shabaab ka fuliyaan guddaha magaalada Baydhabo tan iyo intii ay curatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Puntlandpost.com
Baydhabo