Muqdisho: (pp)- Taliayha Ciidamada Booliiska Federaalka Soomaaliya Gen. C/xakiim Daahir Saacid oo warsaxaafadeed ku qabtay xarrunta booliiska , ayaa ku eedeeyey amni xumada ka jirta magaalada Muqdisho in ay ka danbeeyaan siyaasiyiin Mansab raadinaya.
Saacid ayaa dhanka kale xusay in siyaasiyiinta qaska wada ay waagii hore aysan ahayn kuwa falalkaas lugaha kula jiray, laakiin hada markii ay mansabkoodii waayeen ay doonayaan in caraqaladeeyaan nabada.
Shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan booliiska si ay wax uga qabtaan ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna dhanka kale xusay in booliisku ay heegan u yihiin xoojinta ammaanka.
Saciid, Si toos farta uguma fiiqin siyaasiyiinta lugta ku leh qalalaasaha ka taagan Muqdisho ee ku aadan ammaanka sii xumaanaya , waxaase loo qaatay in ulla jeedo rag dowlada ka tirsanaa oo laga qaaday jagooyinkoodii sida hay’adaha sirdoonka iyo hay’ado kale oo ka tirsan hay’adaha dowlada.
Eeda Gen. C/xakiin uu ujeediyey siyaasiyiinta lugta ku leh ammaan darada ka jirta Muqdisho kuna eka isaga kaliya , waxaase horay uga hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan oo ku eedeeyey dhibaatooyinka ka jira Muqdisho inay lug ku leeyihiin siyaasiyiin iyo Ganacsato, kuwaas oo la shaqeeya Al-shabaab.
Dhanka kale, Dadka qaarkiis ayaa qaba in Beesha Xasan Daahir oo ka soo horjeeda sida loola shaqmay , ay lug weyn ku leeyihiin Nabadgelyo xumada ka jirta magaalaad Muqdisho.
Sikastaba, magaalada Xamar ayaa aad looga hadalhayaa qaraxyada iyo dhibaatooyinka waqtigan ka taagan , iyadoo shacabka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay arrimahaas ku eedeynayaan dowlada Xasan Sheekh oo la kuftay siyaasadii dalka isla markaas ka faa’iidaysan weyay Jaaniskeeda , iyo siyaasad xumo ka jirta dowlada dhexdeeda.
Puntlandpost.com
Muqdisho