Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland oo Dhaliil u jeediyay dowladda DF(COD)

$
0
0

Madaxweynaha Jubbaland Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegay in dekedda Kismayo la mid tahay kuwa Bosaaso iyo Berbera ku yaal, islamarkaasina aysan haysan cid shisheeye oo ay Soomaali joogto.

Halkan ka dhegeyso warsaxaafadeedkii oo cod ah

Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha ku qabtay shir saxaafaded uu si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Jubaland iyo Somalia ka dib soo dhowayn u sameyeen dhaawacyo Galkacayo ka soo laabtay ka dib gurmad caafimaad oo shacabka Puntland u fidiyeen.

Asaaskii iyo dhismihii Jubaland ayuu ka soo bilaabay kaasi oo DF ay ka cago jiiday inay hogaanka u qabato shirkoodi Kismayo, isgaoona xusay inay ku fashilantay DF hawlihii loo igmaday sida Dhowrista dastuurka iyo dhamaystirka maamul goboleedyada dalka.
DF ayaa uu sheegay Axmed Madoobe inay ku hawlantahay shirar iyo safaro dibada ah oo aan loo baahnayn xiligan oo laga doonayay inay Somalida la fariistaan kalana xaajoodaan sidii dalka nabad lagu soo dabaali lahaa.

”Siyaasada dibadda DF way ku fiicantahay laakiin gudihii bay ka baaba’day .waxay ku fashilmeen wixii loo igmaday ,waxay dib uga guraneysa Dowladu in gudaha laga xoreeyo Al-shabaab” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wax qaybsiga khayraadka dabiiciga ayuu sheegay dalku inuu yahay Federaal islamarkaasina leeyahay dastuur ay ku qeexanyihin arimahaasi ,waxana uu raaciyay inay maamulayso dekedda iyo garoonka cida ay dadku talada u dhiibtaaan.

”Waa ayo cida haysata dekeda Kismayo, dad Somali ah baa jooga, ma joogo Kenyan, kuwa Berbera iyo Bossaso bayna la mid tahay” ayuu yiri.

Ciimada AMISOM iyo dalalka Afrika ayuu sheegay inaysan mudnayn in lagala shiro arimaha ugaarka ah Somalida oo uu Xasan Shiikh dib iskugu noqdo oo ka waantoobo ciidamada shisheeye oo uu daba taaganyahay markasta.

”Haday AMISOM baxdo waa la arki doonaa cida hada taangi lagu ilaaliyo oo u baahi qabta, iyagii baa madaxtoyada lagu ilaalinayaa, anagu dagaal ban u soo galnay xoreynta Kismayo, waxaana la doonayaa in Al-shabaab dib loogu celiyo” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wadahadalka DF kala dhaxeeya Jubaland ayuu sheegay Axmed Madoobe inuu socdo dhowaana uu u tagi doono sidii looga wada hadli laha inta dhiman oo uu rajo ka muujiyay wanaagsan maalmo ka hor.

Halkan ka dhegeyso warsaxaafadeedkii oo cod ah

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>