Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo: Wafdi uu hogaaminayo M/kuxigeenka Jubbaland oo ku sii jeeda Addis Ababa (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Wafdi uu hogaaminayo M/kuxigeenka Jubbaland State , Gen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fara-taag) , ayaa ka dhoogay Garoonka diyaaradaha ee magaakada Kismaayo, iyagoo kusii jeeda Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

 

M/kuxigeenka Jubbaland State iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda Addis Ababa.

M/kuxigeenka Jubbaland State iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda Addis Ababa.

M/kuxigeenka Jubbaland ayaa sii maraya magaalada Nairobi , waxayna  caawa ay ka degayaan Caasimada Addis Ababa.

M/kuxigeenka Jubbaland ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah Prof. Gaandi iyo Cumar C/rashiid iyo xubno kale,  waxayna Addis Ababa shir Wejigiisa Labaad kula  furayaan masuuliyiin ka socota   dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo Addis Ababa ku sugan.

Sikastaba, shirka Labada dhinac uga  furmi doona magaalada Addis Ababa ayaa laga dhowrayaa in ay ka soo baxaan natiijo isfahan leh, inkasta masuuliyiinta Jubbaland state ay aaminsan yihiin in dowladani tahay mid qub iyo qac ku socota , haddana waxay isku dayayaan in wax la dhiraan dhirin karaan.

DF ee Soomaaliya oo dhismihii Jubbaland State taagnayd Mowqif aad u adag ayaa loo maleeyaa hadda inay ka soo dabceen mowqifkoodii , kaddib markii ay ku guuldaraysteen dagaalo weji badan leh oo ay ku qaadeen maamulka Jubbaland State.

Puntlandpost.com

Nairobi, Kenya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>