Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo maalinkii shalay madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowlada Ingiriiska oo warsaxaafadeed ku wada qabtay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe , ayuu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in aysan ka noqon doonin xiriirka ay u jareen DF ee Soomaaliya.
Daawo Video
Madaxweynaha Puntland ayaa Ingiriiska ku amaanay projectiyo ay ka hirgeliyeen Puntland, wuxuuna dhanka kale xusay in Safiirku uu Puntland yimi waqti ay kala furteen Puntland iyo DF ee Soomaaliya.
Safiirka ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Niel Wigan , ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay tahay hooyada Soomaaliya , isla markaana uu ku faraxsan yahay Dowrka ay Puntland ka qaadatay dhismihii Df ee Soomaaliya iyo adkaynta nabadgelyada.
Sikastaba, Labada masuul kulankii shalay ay yeesheen ayaa la sheegayaa in madaxweynaha Puntland iyo safiirku ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya , iyagoo ka wada hadlay doorka wada shaqaynta ee u dhaxaysa UK iyo Puntland iyo sababta Puntland ku kaliftay in xiriirkii ay u jarto DF ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo khuseeya Deeqaha Uk ay siiso Soomaaliya.
Puntlandpost.com
Garoowe