Garoowe: (pp)- Xildhibaano magac iyo maamuus ku leh Puntland oo ay ka mid yihiin Xasan Abshir Faarax, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cali Ismaaciil Giir iyo kuwa kale ayaa mardhow kusoo wajahan Caasimada Puntland ee Garoowe, kaddib markii ay maalinkii shalay kasoo degeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.
Imaatinka Xildhibaanada ee ku aadan Puntland ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan , inkasta oo aysan shaacin iyagu imaatinkooda ku wajahan Puntland.
Wararka ay Puntlandpost helayso ayaa sheegaya in Puntland ay xildhibaanadu u imaadeen ku wacyigelinta bulshada iyo siyaasiyiinta Puntland adkaynta nabadgelyada Puntland , halka Warbixino kale ay sheegayaan in ay u yimaadeen sidii ay wada tashi guud ulla yeelan lahaayeen Madaxda Puntland iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland iyo arrimaaha ku aadan Xiriirka ay Puntland u jartay DF ee Soomaaliya.
Dhanka kale imaanshaha Xildhibaanada, ayaa kusoo aadaysa waqti la rajaynayo in maalinka beri ay noqoto CIID ,isla markaasna ay waqtigooda la qaadanayaan deegaanadii iyo shacabkii ay matalayeen.
Puntlandpost.com
Garoowe