Aan u gudbo qodobka xiga ee ahaa (xasilinta dalka).
xasilinta dadka; hadii aan dib oogu laabano amaanka dalka xiligii dawladii Sheekh Shariif sida aan wada ognahay madaxwayne Sheekh Shariif waxuu xukanka qabtay iyada oo dawlada oo dhan ay dagantahay madaxtooyada oo kaliya. Cidii xasuusata iskuulkii 15 may oo ka soo horjeeda madaxtooyada waxaa haystay shabaab, habeen iyo maalina madaafiic ayaa lagu soo ridi jiray madaxtooyada, jidka kaliya ee dawlada u banaan waxuu ahaa jidka Maka Al-mukarrama.
Akhri: Qaybtii Koowaad- taxanaha Ma dadkaa Waalan, mise DF ee Soomaaliya.!!!
Sidaa ayuu ku shaqaynayay Sheekh Shariif waana wax cad oo aan wada ognahay dhamaanteen, halka uu soo gaarsiiyay Muqdisho in shacabku habeen barkii ay maraan meel walba oo Muqdisho ka mid ah, ilaa qurba joog aan xisaab lahayn ay xamar isku shubeen, waxa aan marnaba la iloobi karin, dhawr habeen ka hor xiligii la qaban lahaa doorashada, in saqde dhexe Sheekh Shariif uu kormeer ku marayay meelo badan oo ka mid ah Muqdisho , waxaa kale oo iyadna jirtay isla habeenkaa in nin oday laga waraysanayay xalaaada nabad galyo ee magaalada Muqdisho, TVga qaranka, waxuu lahaa nabada aan helay darteed waxaan joogaa Wardhiigleey xiligaan kadib ayaana u socdaa Kaaraan aniga oo gaarigayga wata, wax waardiye aan u baahanayna ma jiro.
Intaa kaliya kuma eka waxqabadkii Sheekh Shariif ee waxa uu maamulkii iyo amnigii gaarsiiyay meelo badan oo kale. Sida qaybo ka mid ah labada Shabeele, Baay iyo Bakool. Sheekh Shariif waxuu xilka wareejiyay iyadoo uu dalka ka jiro hal dagaal, kaas oo u dhaxeeyay al-shabaab oo dhinac ah iyo dawlada iyo xulufadeeda oo dhican ah, ma jirin haba yaraatee dagaal aan ka ahayn dagaalkaa aan soo sheegnay oo halka dhican u socday.
Aan is waydiino xaalada dalka halka ay maanta marayso. Madaxwayne Xasan Sheekh waxuu xilka hayaa hada mudo ku dhaw hal sano, waa mudo ku filan in la dardar-galiyo hanaankii dawladnimo, amaankana la gaarsiin karay meel ka fiican meeshii uu xilka kula wareegay.
ama ugu yaraan ay ahayd inuu ku hayo halkeedii inta ay ka sii dari lahayd, nasiib daro taas ma dhicin oo sida dad badan ay saadaalinayaan waxaad moodaa in dalku qarka u saaranyahay inuu dib ugu laabto 1991,dii. Ilaahay riyo ha ka dhigo.
Waxaan tusaale ahaan usoo qaadanaynaa meelo badan oo dal ka mid ah oo madaxwayne Xasan Sheekh uu xilka qabtay iyaga oo nabad ah iyo xaalkoodu halka uu marayo marayo.
Hadaan ku hormaro magaala caasimada ah ee Muqdisho iyo agagaarkeeda, waxaad wada ognahay in Muqisho baryahaan danbe ay ku soo badanayaan dilalka qorshaysan iyo qaraxyo is daba joog ah. Dhanka kale waxaa jira dagaal beeleedyo dib uga qarxay magaalooyinka Marka iyo Jawhar dagaaladaas oo sida dadka deegaanku ay sheegayaan salka ku haya in dawladu Mugdisho ay ooga soo magacawday maamulo ku meel gaar ah, halka ay dadku filayeen in ay iyagu samaystaan maamul federal ah, waxay dadku leeyihiin intaa kaliya ma aha arintu ee waxaa kaloo jira maamulada dawladu soo magacawday waa hogaamiye kooxeedyadii ka talin jiray deegaankan xiligii dagaalada sokeeye, waxaan filayaa in aad intiina badan maqasheen nin oday ah oo idaacadaha ka hadlayay mudo aan sidaa u fogay kaas oo joogay magaalada Marka. waxaa kalmadihiisi ka mid ahaa, (ninkii shalay i dilay manta dawlad iima noqon karo) ee dawladu dad kale meesha ha keento hadii ay wanaag rabto.
Arintu intaa oo kaliya ma aha waxaa kale oo jira magaalada Baydhabo in dawladu ay badashay gudoomiyihii gobolka Baay, kuna badashay gudoomiye cusub, taas oo dadka deegaanku ilaa hada ay is waydiinayaan ujeedada ka danbaysa badalkaas, waxaana hadalada dadka deegaanka isla dhex marayaan ka mid ahaa (dawladu ma fawdo ayay rabaa mise nabad) maadaama bay leeyhiin dadku gudoomiyihii hore uu ahaa nin aad u sugay amaanka magaalada iyada oo dadku socon xiligi walba oo ay doonaan, ganacsigana uu furnaan jiray ilaa saqda dhexe, halka gudoomiyaha cusub ee dawladu keentay uu sababay in magaaladii aysan jirin xaafad u gudbi karta xaafada kale, hadii gabalku dhaco iyo waliba dagaalo iyo dilal joogta ah oo soo noqnoqda. Waxaan filayaa in aad maqlayseen nin oday ah oo isaga oo jooga magaalada Baydhabo, ka hadlayay idaacada ,waxaa hadaladiisi ka mid ahaa.
(Alloow alle amuushoo dooradee inti anna amarshoo weeli fadi) hadaan kuu fasiro micnaha waxa weeye (ilaahay baan ku dhaartay ee dhimashaan dooran, intii aan amarkooda yeeli lahaa) taas uu oogala jeedo anaga ayaa samaysanayna maamulkaanaga ee ma yeelayno mid ay soo direen..
Dhibku intaa kaliya ma aha xaga kale waxaa ka dhacay magaalada Kismaayo dagaal aan ka dhicin markii magaalada laga qabsanayay Al-shabaab, dagaalkaas oo gaystay khasaare naf iyo maal iskugu jira iyo barakac intaba. Dagaalkaa waxa uu salka ku hayaa cida looga danbaynayo maamulka magaalada Kismaayo inay ahaato dawlada. Dadka intiisa badan iyo maamulka ka jira Kismaayo intuba waxay sheegayaan in dawladu si dadban oogu lug leedahay dagaalka Kismaayo.
Hadaan soo koobo deegaanada ay ka socdaan dagaalada loogu magac daray wajiya badan, ee ay dabada ka riixayso dawladu ama dad huwan shaaatiga dawlada oo dana gaar ah leh, mcinuhu waa dad ku dagaalamaya magaca dawlada, dan iyaga u gaar ahna ku garab wada, sidaa darteed ayuu ku baxay magac ah dagaaladka wajiya badan. Waxay ka socdaan dagaaladan loo bixiyay wajiya badan magaalooyinka, .Jawhar, Marka, lambar 50, Baydhabo, Buurxakaba, iyo Kismaayo.
Intaas oo magaalo ee aan soo sheegay dagaalo ayaa ka socda,marka laga reebo Kismaayo oo hada xoogaa dagan, dagaaladaasna ma aha dagaalo u dhexeeya al-shabaab iyo dawlada, ee waa dagaalo u dhexeeya maamulo ay dawladu meesha u magacawday iyo kuwo diidan, waxaan maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka maqlaynay nin iclaamiyay dagaal ka dhan ah beesha Biyamaal, ninkaas oo lagu sheegay Imaamka Beesha Habargidir Imaam Cabdullaahi Khaliif,
(laba walba isa saaray ee laba tagoogood isma saairin) waxaa arin lala yaabo ah in maanta nin ah imaam Soomaaliyeed in uu warbaahinta ka iclaamiyo dagaal sokeeye, waxaa taa ka sii daran in maanta Biyamaal iyo Habrgidir deegaan ay isku haystaan, oo maxaa isku keenay? Ma Biyamaal baa gobolada dhexe u guuray mise Habargidir baa Marka usoo guurtay? Waliba iimaamku waxuu leeyahay Biyamaal dhulkaanagii bay rabaan inay naga bara kiciyaan. Labadaa beelood anigu meel daris ay ku noqdeen ma ogayn, laakiin arin kale ayaa jirta oo ah in deegaanka magaalada dhexdeeda ah, la wada dagi karo oo nin gurigaaga kaa bara kicin kara ma jiro, laakiin hadaad adigu baadiyaha aado iyo dadka kale daaqsintii, waxaa tahay yaxaas barri ku lugeeyay.
Arintaa khilaafkeeda hadalka imaamka hor ayuu soo jiray, oo waxaa jiray odayaal Biyamaal ah oo mudo idaacadaha ka qaylinayay oo lahaa, dad dareeskii ciidamada dawlada wata oo qaab qabiil loo soo abaabulay ayaa nasoo weeraray waana iska difaacnay. laakiin arintaa dawladu dhag jalaq uma siinin, kumana aysan samayn wax faragalin ah. Hadaba hadii xasilintii dalku sidaa iyo wax la mid ah ay noqotay, shu’aashu waxay tahay , ma xasilin dal baa mise waa xaalufin dal?
Aan horay uga socdo ha iga caajisin wali waxaa dhiman qodobo kale, ee aan soo qaadano qodobka sadexdaad oo ahaa (kobcinta dhaqaalaha), oo aan soo qaadanayno maalinka beri ah inshaa’alah.
Akhri : Qaybtii Koowaad
Ahmed Muhamed Hassan
Ahmed3151@gmail.com
Nars Ciy Cairo Egypt
Daabacaadda: Puntlandpost.com