Muqdisho: (pp)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa maanta booqasho ku tegay xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Martino ee ay ku nool yihiin Naafada ciidanka xoogga, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga tababarka ee Jazeera, iyo xarunta Villa Baydhabo ee taliska ciidanka xoogga, isaga oo la ciiday dhamaamba Askarta ku jirta xeryahaasi iyo Naafada xoogga dalka.
Kormeerkiisan xeryaha ciidamada iyo Naafada xoogga dalka ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Axmad, Wasiir kuxigeenada Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, iyo Warfaafinta, iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada Millateriga, Boliiska iyo Nabadsugida.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii booqday Isbitaalka Martiini halkaasoo ay degan yihiin Naafadii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay dagaalkii 77, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fitriga maalinta koowaad, isaga oo u balan qaaday inay si joogto ah u heli doonaan xaquuqdooda ayna ku xaquuqyihiin Askariga jooga furinta hore.
“Muhiimada aad noo leedihiin waxaad ka garan kartaan in mushaarka ciidamada la siiyay adinka la idinku bilaabay, sababtoo ah Qaranka xushmad gaar ah ayaad ku leedihiin maadaama aad xubnihiina qaaliga ah u weyseen difaaca dalka, waxaana idiin balan qaadayaa intii karaankeena ah in dawladdu aaney waxba idinka hagran doonin, maadaama aad tihiin taariikh nool ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo u sheegay in dawladdu aaney ilaawin kaalinta Naafada xoogga.
Sidoo kale, Ra’iisu Wasaaraha ayaa tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidanka xoogga dalka, isaga oo u jeediyay khudbo dhiiragelin iyo mahadnaq ah, waxaana taliyaha ciidanka xoogga Jen. Daahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira diyaar garow ay ugu jiraan in Wasaaradda Gaashaandhiga ay u soo guurto xaruntaasi sida weyn loo dayactiray. Wuxuuna xusay in ciidankani ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sidoo kale booqday Dugsiga tababarka ee Jazeera oo ku taala duleedka magaalada, halkaasoo ay ku jiraan ciidamo tiradoodu gaareyso 1,080 (Kun iyo sideetan Askari) oo loogu magac daray Cali Boobaaye-2, kuwaasoo dhameystay tababaro. waxaana intii uu Ra’iisul Wasaaruhu la dabaal degayay Ciidanka jawigu uu ahaa mid ay qiiro ku dheehantahay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidankan kula dardaarmay inay si hufan u fuliyaan howlaha Qaranka ee loo idmaday, isaga oo u balanqaaday in si deg deg ah loo qalabeyn doono loona howlgelin doono.
“Todobaadka soo socda Insha allahu waa la idiin dhameystirayaa qalabkiina, waxaana la idiinkaga fadhiyaa inaad qeyb libaax ka qaadataan soo celinta amniga dalka” ayuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaare Saacid.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqday xarunta taliska ciidanka Xoogga ee Villa Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula kulmay dhamaamba qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo sidoo kalena kormeeray hogaanada ciidanka. “Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga,waxaad noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka marxaladdaan adag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaadba siisay ciidanka si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta.
Intii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaruhu dabaaldega munaasabadda ciida waxaa la arkayay wadooyinka magaalada oo dad badani ay isugu soo baxeen,kuwaasoo daawanayay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee la ciidayay Ciidanka.
Halkan ka dhigayso khudbadii
Puntlandpost.com