Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ma dadkaa Waalan, Mise Dowlada Federaalkaa Wareersan ? Qaybtii Sadexaad

$
0
0

Kobcinta dhaqaalaha: Marka laga hadlayo dhaqaale, waxaa fiican inay ka hadlaan dadka aqoonta u leh dhaqaalaha. Laakiin hadana qof walba wuu garan karaa khasaare iyo faa’iido, tusaale ahaan in hantida qaranka aan lagu bixinin meel aa munaasab ku ahayn iyo in hantida la tashiilo oo lagu dadaalo in kharashka la xadado iyadoo lagu salaynayo qiimaha oogu jaban, iyo in la abuuro illo dhaqaale, intaa iyo in kale oo lagu daray ayaa lagu macaabi karaa kobcinta dhaqaalaha. Hadaan in yar kasoo qaadano qaabka dawlada Xasan Sheekh ay u maamusho dhaqaalaha dawlada soo gala , waxaan kusoo koobi karnaa sadex qodob..

Akhriso:  Qaybtii 1-aad

Akhriso: Qaybtii 2-aad

 

Kha

1. Kharashka duulimaadyada ee ku baxa madaxda dawladu oo ah mid aad u badan, maalintii la doortay dawlada federaalka ah ilaa iyo maanta waxaa la odhan karaa asbuuc walba ama ka yar in magaalada Muqdisho ay ka duulaan ama kasoo dagaan, duulimaadyo hor iyo gadaal u wada qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada.

Waan wada garan karnaa muhiimada ay dalka u leedahay safarada dawlad dibada ugu baxayso, laakiin waxaan sidoo kale wada karnaa in safarada qaar badan oo ka mid ah dawladu ay dirsan karto wakiil ama ergay, ergeygaas oo iska raaci kara diyaad caadi oo aan ka badnayn 400$, ilayn hawada kama jirto amaan daro oo mas’uulku uma baahna ilaalo inta uu hawada ku jiro. Raiisul wasaare Farmaajo ayaa ku dayasho mudan, laakiin in diyaarad lagu soo kireeyo 100,000$ ama wax ku dhaw oo waliba kirada diyaarada ay sii dheertahay kharashka aan miskaxda galaynin ee ku baxa waftiga la socda madaxda dawlada marka ay safarada aadayaan dal iyo dibadba Wafdigaas waxaa mararka qaar dhacda in uu kor u dhaafaa 30, qof waxaad moodaa in ay qaab ciidan u soo duulleen oo awoodooda ay u muujinayaan qoloda ay la kulmayaan, si looga argagaxo badnaantooda looguna fududeeyo danahooda..

Wax kale oo arintaa laguma tilmaami karo ma jirto , oo aan ka ahayn in madaxda dawladu xilkooda aysan jirin cid kale oo ay ku aaminayaan, iyo madaxda qaarkood oo xiisaynaya in ay soo bartaan madaxda kale ee caalamka, wafdiga kale intiisa badana ujeedkoodu uu yahay oo kaliya, anigoo wafti ah ayaan tagay wadan hebel, oo lagu dal baranayo hantidii qaranka, meeshii ay ahayd in shacabka wax loogu qabto,

 

Gaafow2. Dhaqaalaha ka soo xarooda illaha dhaqaale ee dalku leeyahay, oo inta badan ku dhaca dad shaqsiyaad ah jeebkood. Waxaan tusaale ahaan usoo qaadan karnaa in warbaahintu sheegtay lagac ka badan 200,000$ in dad ay kala baxeen xafiiska waaxda socdaalka ee goraanka diyaaradaha Muqdisho, waxaaba khalad ah in lacagta intaa le,eg la dhigo xafiis qof leeyahay, waxay ahayd in ay lacagtaa ay gasho khasnad dawladu ay leedahay, oo waa wax dhaca in la dhaco khasnad dawladeed, waana lagu qanci lahaa, laakiin lacag nin xafiiskii lagu dhacay, yaa ogaan kara inay is ogyihiin isaga iyo kuwa dhacay. Fiiro gaar ah: tusaale ahaan ayaan usoo qaatay lacagtaan garoonka ee ma aha mid aan ku dhaleecaynayo mas’uulka lacagta xafiiskiisa lagala baxay, waana mas’uul aqoonta aan u leeyahay lagu aamini karo hanti qaran intaa iyo ka badanba..

Deeq bixiyeyaasha3. Kaalmooyinka dhaqaale ee dibada ay ka hesho dawladu, kuwaas oo loogu tala galay in wax loogu qabto shacabka masaakiinta ah, oo loo isticmaalo wadooyin aan haboonayn ay oo ka mid yihiin , duulimaadyadaa faraha badan ee aan soo sheegnay, lacag badan oo musuq maasuq ah oo dawladu siiso shaqsiyaad ay doonayso in ay siyaasada dawlada ka fuliyaan gobolada qaarkood, iyo inta soo harta oo la siiyo shirkado qandaraaslayaal ah oo madaxda dawlada xariir dhaw la leh, qaarkoodna la sheegay in ay madaxda dawladu iska leeyihiin, shirkadahaas waxaa qandaraas lagu siiyaa dhismayaasha dawlada oo meel ay suurta gal tahay inay ku bixi lahayd 500,000$ ay ku qaataan 1.000.000$, taasoo ayba khalad tahay dawlad aan tabar dhagaale haysan inay qandaraas bixiso, waxay ahayd in wasaarada hawlaha ay qabato shaqadaas, hadii qaabkaas loo maamulay dhaqaalihii. Ma Kobcin dhaqaalaa mise kala tuur dhaqaale?

 

Wali waxaan ku dhex jiraa qodobadii ay dawladu balan qaaday waxaan soo qaadan doonaa qodobka afraad oo ahaa soo celinta sharciga,

 

baarlamaankaFederaalka-fadhi12-225x145Soo celinta sharciga: waxaan filayaa qodobkan in uusan mudnayn in laga hadlo waayo isaga oo dhan ayaa la xabaalay, sidaa darteed ayuusan u mudnayn in laga hadlo, waxaana xaqiiq ah baarlamaankii dajin lahaa sharciga in uu afduubanyahay, mana jirto cid keeni karta mooshin ku saabsan dawlada iyo sidoo kale mooshin ku saabsan sharci dajinta oo aysan dawladu raali ka ahayn, waxaan tusaale ahaan usoo qaadan karnaa in xildhibaano ka badan boqol xildhibaan ay soo diyaariyeen mooshin ka dhan ah raiisul wasaaraha. Meel ma ku sheegi kartaa mooshinkaas? Waxaa jiray maxaabiis xabsi lagala baxay oo intii la laayay .maydkoodina jidka la dhigay, wax talaabo oo laga qaadayna aysan jirin. Waxaa iyadna jirta in la kala iibsado maxaabiista shabaab laga soo qabto, lacag ninkaan haysan ayaa shabaab ah wali ma aragtay dawlada oo qodobadaas ka hadlaysa? Sidaa darteed sharci soo celin iska iloow.

Dawlad wanaag: dawlad wanaag waa qodobkii shanaad oo ka mid ah qodobadii uu madaxawaynahu balanqaaday, qodobkaan waxaan filayaa madaxwaynaha afka ayaa kaga dhacay ee qorshaha ooguma jirin ama qaabka uu u yaqaano iyo qaabka dadku u yaqaanaan ayaa kala duwan,

Xasan iyo Saacid

Xasan iyo Saacid

waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dhawr arimood oo ilaa hada madaxwaynuhu uu u arko inay yihiin dawlad wanaag dadka intiisa badana ay sidaa si ka duwan u arkaan, tan ugu horaysa dastuurka dalka sida uu qorayo madaxwaynaha iyo raiisul wasaaraha, dastuurku waxa uu awooda siinayaa ra’iisul wasaaraha, waxaa muran ma doonto ah oo shacabka Soomaakiyeed meel ay joogaanba ogyihiin, in madaxwaynuhu labadii jago isku darsaday, ra’iisul wasaarihiina meelaha isbitaalada ah uu dhaawacyada iyo dadka xanuunsan soo booqdo.

madaxtooyadaTan labaad oo ah fadeexada ka jirta madaxtooyada ee madaxwaynuhu ku koobay maamulkii madaxtooyada wiilal yar yar oo food dhuuban oo beeshiisa ka soo jeeda, iyo fadeexada caanka ka noqotay warbaahinta ee kala jeclaysiga maamul goboleedyada. Waxaa intaa sii dheer buuqa ka taagan safiirada loo magacaabay safaaradaha dibada, oo intooda badan lagu tilmaamo hal beel, intaas oo la isku daray hadii madaxwaynuhu u yaqaano dawlad wanaag, suaashu waxay tahay, Ma dawlad dumin baa mise dawlad wanaajin?

Adkeynta midnimada Soomaaliya:adkayna midnimada ummada Soomaaliyeed waa qaodobkii lixaad ahna kan ugu danbeeya lixdii qodob ee madaxwaynaha balanqaaday. Markii laga hadlayo midnimo waa umad isku si loo daryeelo kooda ladan iyo kan liitaba, lagana warqabo kan dan yarta ah ee daruuftu hayso, xaquuqda bulshadana la simo, lagana ilaaliyo cadaalad darada, waxaana umad midayn kara hogaamiye caadil ah, bal aan in yar kasoo qaadano qaabka dawladu u wajahday midayntii umada.

Ma dadkaa Waalan mise dowlafda Federaalka ayaa waalan....""

Ma dadkaa Waalan mise dowlafda Federaalka ayaa waalan….”"

Madaxwaynuhu waa masuulka dalka u sareeya, waxaa haboon markii laga hadlayo xaalada dhalka, gaar ahaan is badalka siyaasada, madaxwaynuhu in uu yahay shaqsiga ugu haboon ee ka hadli kara arimahaas, ama uu u xilsaaro masuul loo aqoonsanyahay Af-hayeenka madaxwaynaha ama Af-hayeenka dawlada midba, maadaama ummadu kala aamin baxday oo ay jiraan siyaasado badan oo is diidan, oo laga yaabo dadka qaar haday hadlaan inay xaaladu sii cakiranto loona arki karo qabiil weeraraya qabiil kale. Hadaba si aysan arintaas u dhicin, waa in madaxwaynuhu uu xaqiijiyo qofka Af-hayeenka u noqonaya in uu yahay qof aan bulshada sii kala fogaynaynin. Si aan ooga hor tagno in kala fogaanshahaas dhaco, waa kuma Af-hayeenka madaxwaynaha?

Waxaa jira nin lagu magacaabo Cabdirahman Cumar Cusman (Eng. Yarisow)  waa Af-hayeenka madaxtooyada, ee ma aha (Af-hayeenka madaxwaynaha) oowaxa ay ku kala duwanaan karaan markii la dhaho madaxtooyada waa dawladii oo dhan, madaxwayne markii la dhahana waa shaqsi, marka (Eng. Yariisow) waxaan odhan karnaa waa (afhayeenka dawlada) ee ma aha mid khaas u ah madaxwaynaha. Inkasta oo Af-hayeenka dawladu kan madaxwaynahana noqon karo.

(Eng. Yarisow) runtii waa nin si asluubaysay u hadla oo aan jeclayn inuu shaqsi weeraro, waliba marka su’aalo la waydiiyo waxuu caan ku yahay kalamadaha ah. (way jirtaa arintaa laakiinma jecli inaan ka hor-dhaco iyada oo aan waqtigeeda la gaadhin) iyo (waxaan jeclahay arintaa in aan u daayo inay ka jawaabaan masuuliyiinta ku shaqada leh)waa kalmadaha ugu wanaagsan in uu isticmaalo qofka siyaasiga ah, inta uu sheegi lahaa wax uusan hubin, ama uu dhex dabaalan lahaa wax aan shaqadiisa ahayn, oo qof kale shaqadiis ah.

odoyaasha_154824603Dhinac kale, waxaa jira niman odayaal ah oo loo yaqaano magacyo badan, laakiin magaca ugu caansan uu yahay odayaasha beelaha hawiye, odayaasha beelaha hawiye, waxay soo mareen marxalado kala duwan xili ay awood lahaayeen iyo xiliyo la xadaday awoodooda loona diiday inay dawlada ka garab hadlaan.

Tusaale ahaan xiligii madaxwayne Sheekh shariif waxuu aad u xakameeyay awooda odayaasha beelaha hawiye waxuuna in badan u diiday in ay dawlada ka garab hadlaan, in kasta oo mararka qaar ay xadhkaha goosan jireen. Laakiin waxaa muuqata intii uu Xasan Sheekh xilka qabtay in ay dardar hor leh la soo baxeen. Odayaashu maalin iyo habeen waxay ka hadlaan idaacadaha, waxay go’aano iyo bayaan ka soo saaraan is badalada siyaasadeed ee ka jira dalka, taas oo ah shaqadii dawlada. Waxay sidoo kale canbaarayn iyo hanjabaad u diraan siyaasiyiinta qaar iyo maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubaland ,

Waxaa kale oo soo kordhay mudooyinkaan danbe in aad amoodo, odayaasha beelaha hawiye in iyagu ay gacanta ku hayaan awoodii dawlada, oo waxay bilaabeen arimo aan horay loogu aqoon, kuwaas oo ah in wasiiradii dawlada qaarkood ay u qoraan warqad ay oogu hanjabayaan oo ay leeyihiin, (hadii aadan waajibkaada gudan waxaad waayi doontaa xilkaada) waxaa midaa ka sii daran in ay u hanjabaan wadamada dariska ah ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Kenya. iyagoo ku eedeeya inay Kenya fulin wayday amarada dawlada, eedayn xumaa oo aqoon daranaa. Xagee bay ku arkeen dawlad, dawlad kale ka amar qaadata, tan kale ma dawlada ayaa Amisom ka amar qaadanaysa, mise Amisom ayaa dawlad ka amar qaadanaysa? ma kala garan waayeen. tan kale eedaynta ay u soo jeedinayaan Kenya, waxaa ka horeeya, Muqdisho oo ay joogaan waxaa ka dhacday in askari ciidamada Uganda ah uu dharbaxaay taliyihii booliska. Mid ka durugsan oo aan cadayn loo haynin inta ay ka hadlayaan, may ka hadlaan tan ka dhacday meesha ay joogaan.

Odayaasha beelaha Hawiye dhibaatooyinka intaa le,eg marka ay samaynayaan maalin walba, hadana waxay ku samaynayaan madaxwaynihi hortiisa, walina lama maqal madaxwayne Xasan Sheekh oo ka daaya leh, waxaa kale oo dhacday in isaga oo dhex fadhiya ay shir jaraa’id ku qabteen Moqdisho oo ay oogu hanjabeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, uuna qoslayay madaxwaynuhu isaga oo ku faraxsan hanjabaada odayaasha, way duubantahay, hadii ay sidaa dhacday waxaan oran lahaa. (ma daliil cadeeya ayaad i siin taa in lagu diirsan) markaa soo xaqiiqdu ma aha Af-hayeenka saxda ah ee madaxwaynaha in ay yihiin odayaasha beelaha hawiye. .

Markaan dhinac walba ka fiiriyay laba arimood awgood ayaysan suurta gal u noqon karin in madaxwayne Xasan Sheekh uu ku guulayso midaynta umada Soomaaliyeed labadaa arimood oo kale ah..

Mida hore hadalada iyo hanjabaadyada kasoo yeeraya odayaasha beesha hawiye oo sii kala fogaynaya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo aad moodo inuu raali ka yahay madaxwaynuhu maadaama marnaba ay dhici wayday, in uu ka hadlo oo iska bari yeelo.

IGAD Tan labaad isla-waynida uu madaxwaynuhu iskala waynyahay wadamada dariska ah, isagoo isku halayn badan ka qaba wadamo carbeed oo balanqaadyo u sameeyay iyo ku meel gaarkii waa laga baxay oo uu u haysto awood dheeri ah in uu helay, laakiin waxuu madaxwaynuhu iloowsanyahay, wadamada dariska ah in saaxiibo dhaw oo danahooda ilaaliya ay ka dhex samaysteen gudaha dalka Soomaaliya 22dii sano ee la soo dhaafay ee aan burburka ku jirnay, oo dawladii ay ka dareemaan in ay ka soo horjeedo danahooda ay u fududahay in ay xididada u siibaan, oo meel kale iska daaye ay xataa toos ula socdaan dhaqdhaqaaqa madaxtooyada, sideed ooga faani kartaa nin awooda aad ku faanayso kuu haya, oo adiga ku ilaaliya, hadayse dhacdo,

Soow taas ma keeni karto, iyada oo isaga lagu xumaynayo in ay wadanka u qaybiyaan gobol, gobol iyaga oo isticmaalaya saaxiibadood , markaana soo ma dhici doonto midayn iska daaye in la is dhex mari waayo. Marka inta ay taas dhici lahayd in ay wanaagsanaan lahayd in madaxwaynuhu saaxiib dhaw la noqdo wadamada dariska ah inta uu ka helayo Soomaali mid ah,.

Waxaan halkaa kusoo gunaanadayaa qoraalkaygii ku saabsanaa qodobadii uu madaxweyne Xasan Sheekh balan qaaday doorashadiisi kadib, waxaan muran ku jirin in ay dawladu ka baxday balantii lixdaa qodob, Hadii madaxwaynuhu ku guul daraystay qodobadii uu balan qaaday dadkiina qaylo ay afka furteen waxaan gartii ku xukumaynaa.

(dawladaa ayaa wareersan ee dadku ma waalna.) laakiin wali dawladu jaanis ayay haysataa 

Ahmed Muhamed Hassan

(Ahmed3151@gmail.com

Nars Ciy Cairo Egypt

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>