Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Markaz Dr. Axmed Xaaji oo mu’adiniinta magaalada Galdogob u qabtay Dawro ku saabsan axkaamta aadaanka.

$
0
0

Dowradaan oo socotay 14-21 Ramadaan waxaa maamulayey maamulaha Mac-hadka Ibnu Qayim ee magaalada Boosaaso Ustaad Jaamac Maxamed Xasan (Ilka weyne), ahna bare sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Afrika, duruustana waxaa la bixiyey Sh. Mahad Maxamuud Suleymaan oo ah maamulaha Markazka Dr. Axmed Xaaji iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Galdogob Dr. Bashiir Warsame Maxamed.

Dawro Mu 1Waxaa kale oo dowrada kala qaybqaatay Sh. Maxamuud Yuusuf Muuse oo muddo soddon sano ah mu’adin ahaa iyo Sh. Aadan Sh. Xasan (abshirta) oo isna ah mu’adin khibrad leh.

Dowradaan oo lagu bixiyey duruus farabadan oo isugu jirta axkaamta aadaanka, khibrado iyo jilida aadaanka oo mu’adiniinta laga dhagaysanayey waxaa lagu soo gabagabeeyey masjidka jaamica ah, waxaana xafladdii xiritaanka ka soo qaybgalay maamulka Markazka, culumadii dowrada bixisay, mu’adiniintii ka qaybqaatay iyo mashaa’ikh ay ka mid ahaayeen Sh. Mahad C/laahi iyo sh. Axmed C/samad oo kalimado ka jeediyey, mu’adiniintana guddoonsiiyey shahaadooyinkii ka qaybgalka ee Markazku u diyaariyey. Waxaa iyana xaflada soo xaadiray dadweyne kale.

Dawro mu 2Waxaa xusid mudan in dowradaani ay ka mid ahayd barnaamij ballaaran oo Markazka iyo maamulka dacwada magaaladu ugu talagaleen bisha Ramadaan ee barakaysan.

 

Ahmed Abdille

E-mail: alwaqaar@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>