Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Prof. Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Nairobi , taageerayna Jubbaland State, eedayna u jeediyey Df ee Soomaaliya (Dhegeyso+Video)

$
0
0

Nairobi; (pp)- Raiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Xaflad lagu taageerayey Maamulka Jubbaland State ayaa , wuxuuna dhanka kale ku eedeeyey DF ee Soomaaliya kuwa ku xadgudbaya sharciga Federaalka ee Soomaaliya.

Dhegeyso Khudbada raiisal wasaarihii hore

Cali Maxamed Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Nairobi

Cali Maxamed Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Nairobi

Prof-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed loo shaqeeyo , lana raaco rabitaakooda.

Jubbaland State ayuu ku sheegay inuu yahay Maamulka kaliya ee Soomaali oo dhan u dhantahay, shacabkeeda, Cuqaasheeda iyo waxgaradkeeda ay goosteen in samaytaan maamul goboleed, maamul goboleedkaas oo uu sheegay in aragtidiisu ay soo bilaabatay waqtigii dowladii Shariif.

Daawo Video


” Wixii Soomaaliya dhibaya anaga oo dhan waa na dhibayaan, martina kama nihin wixii wadanka God ku ridaya iyo iska horkeen  inaa niraahno maya, sidaas naguma maamulaysaan” ayaan qabaa anigu ayuu yiri Prof. Geedi.

Marxaladihii uu dalku soo maray ayuu ka hadlay  Prof. Geedi , iyo dhacdooyin xun xun oo Muqdisho ka dhacay, Wuxuuna hoosta ka xariiqay kuwa hada dowlada sheeganaya in ay markoodii hore diidanaayeen Federalismka oo meelaha ay ka mudaaharaadi jireen.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>