Kismaayo: (pp)- Dagaalkii ka dhacay degmada Afmadow 29kii Bishan ramadaan ayaa waxaa ka xaqiijiyey in dagaalkaas ay qayb ka haayeen Saraakiil Ajanabi ah oo u dhashay dalka Yemen, waxaana la cadeeyey in sarkaakii hogaaminayey dagaalkaas goobtaas lagu dilay.
Dagaalka ayaa waxaa qayb ka ahaa oo kale Saraakiil kale oo soo jeeda dalalka Afrika , kuwaas oo iyagana dagaalkaas lagu arkay Maydkooda.
Saldhiga AMISOM ee Degmada Afmadow iyo Saraakiisha Jubbaland State ayaa dhankooda Xaqiijiyey in dagaaladaas lagu dilay Maleeshiyo badan oo Al-shabaab ah iyo saraakiishii Watay oo ay ku sheegeen Ajaanib.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State