Gothenburg: (pp)- Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan magaalada Gothenburg , Munaasabaddan oo lagu xusayay maalintii dhidibada loo aasay dawladda Puntland ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimi dhamaan xaafadaha Gothenburg.
Waxaa sidoo kale goobta ka muuqday, culima’udiin, dhalinyaro, hooyooyin, abwaano, fanaaniin iyo weliba waxgarad badan oo mug iyo miisaanba ku leh bulshada reer Puntland ee ku nool Gothenburg.
Dadkii goobta ka hadlay ayaa dhamaan wada qiray qiimaha ay leedahay munaasabadda 1da agoosto oo ah maalintii ay bulshada reer Puntland ay heleen nadaamka 15 jirsaday ee lagu wada baraaray dhamaan soomaalida oo idil waana maalin xasuus gaar ah u leh umadda reer Puntland.
Daawo Sawiro kale
Dhamaan dadkii munaasabadda soo xaadiray ayaa laga dareemayay qiira wadaninimo iyo weliba farxad dheeriya, iyadoo ay isugu hambalyeynayeen qiimaha ay leedahay maalinta 1da Agoosto. waxaa goobta munaasabadda laga dareemayay habsami u socod iyo weliba deganaan deeri ah taas oo aad garan kareysey sida wanaagsan ee loo soo agaasimay.
Guntii iyo gabagabadii munaasabadda ayaa ku soo idlaaday jawi degan dhamaan dadkii kasoo qaybgalayna waxay ahaayeen kuwa ku qancay sida ay u dhacday munaasabaddu waxayna markasta u mahad celinayeen hawlwadeenada jaaliyadda ee sida wanaagsan u qabtay xafladdan.
Puntlandpost.com
E-mail: puntlandpost.pp@gmail.com
E-mail: webmaster@puntlandpost.com